About Us

waydiimo muhim ah

Som-Exams waa web waxbarasho oo loogu talo galay caawinta ardayada macalimiinta iyo maamulka intaba, wuxuu qayb laxaad leh ka qaadanayaa xoojinta tayada waxbarashada dalka.

Webkan waxa aasaasay aqoonyahan wax ku bartay wadanka, wuxuuna qayb ka yahay mashaariicda madasha qalin qaad.

Ururinta imtixaannadu waxay ahayd shaqo culus oo ku kacday safarro iyo booqashooyin kala duwan, sidoo kale diyaarinta mareegta, habaynta & xeraynta imtixaanka ayaa laftoodu ahaa hawl-galo qaatay saacado shaqo oo aan yarayn.

  • Waxa ku kaydsan imtixaanadii shahaadiga ahaa ee la galay 17kii sano ee ugu danbeeyay.
  • Imtixaanadan waxa diyaariyay macalimiin aqoon sare leh oo ka kala socda dhamman Dugsiyada sare ee dalka.
  • Ka shaqaynta imtixaanadani waxay ka caawinayaan ardayga in uu si fudud u fahmo qaabka loo keeno imtixaanaadka shahaadiga ah (National exam)
  • Is tijaabintu waxay kaabaysaa muraajacada ardayga waxayna u suurta galinaysaa in uu si buuxda ugu diyaar garoobo imtixaanka shahaadiga ah.
  • Bareyaashu waxay ka helayaan imtixaano ay ka qaadi karaan Ardaydooda si ay ugu carbiyaan ku guuleesiga imtixaanaadka shahaadiga ah.
  • Maadaama maamulku dedaal dheeri ah ku bixinayo muraajacada ardayda fasalka 4aad imtixaanada tijaabada ahi waxay ka caawin karaa in uu si hor dhac ah u ogaado heerka ay joogto ardada dugsigu.

Haddii aad jeceshahay in aad gacan ka gaysato horumarinta kaydkan, aadna ku fakarayso in uu noqdo mid waara oo ay dhaxlaan faca soo koraya, fadlan ka qaybqaado faafintiisa kana dhig mid gaara arday walba oo soomaaliyeed.

Som-Exams In numbers

Sano kaydkood
+ 0
Imtixaan
+ 0
Arday
+
error: Lama ogola !!