Waydiintan jawaabteeda halkan ayaan kuugu diyaarinnay fadlan isku day in aad raacdo talaabooyinkan:
1. Ugu horayn Booqo mareegta SOM EXAMS.
2. Ka dibna dooro (Add new exam)

3. Waxa kuu soo baxaya Gal xogeedka xaraynta Imtixaanka, oo ku qoran Af-Soamaali fudud.
- Ka biloow xogta diraha imtixaanka sida: Magaca, Ciwaanka & Taleefanka oo muhim u ah xiriirka.
- Intaas ka dib dooro Nooca imtixaanka (Federal, Puntland, Somaliland)
- Dooro Marxaladda (Dugsiga sare / Dugsiga dhexe)
- Dooro Maadada aad imtixaankeeda dirayso.
- Dooro sannadka imtixaanka la galay.
- Soo geli imtixaanka.
- Si aad u dirto imtixaanka taabo (Hadda Dir)

FG:
- Hal mar ma diri kartid wax ka badan hal imtixaan.
- Gal xogeedka waxa aad ku diri kartaa imtixaanka haddii uu yahay PDF ama Word oo keli ah.
- Haddii aad hayso wax ka badan hal imtixaan, ama aad imtixaanka hayso isaga oo daabacan fadlan nagala soo xiriir Whatsapp adiga oo riixaya button-ka hoos ka muuqda