Deeqda waxbarasho ee dalka Canada.

Deeqda waxbarasho ee dalka Canada.

Vanier Canada Graduate scholarship 2025, waa deeq waxbarasho ay aasaastay dawladda Canada sannadii 2008 si ay ugu sharafto George Philias, oo ahaa askari iyo diblumaasi Canadian ah.  Wuxuu kale oo uu kusoo shaqeeyay gudoomiya guud ee Canada sannadihii 1959-1967.

Barnaamijka deeqda waxbarasho ee Vanier Canada waxaa sidoo kale loo yaqaan Rhodes Scholarship of Canada, waxaa loo qaabeeyay si ay u noqoto soo jiidasho cusub oo loogu tala galay ardayda leh xirfaddaha sare , hibooyinka iyo ardayda heerka sare ah. Haddii uu ajinebi yahay deggan Canada  iyo haddii uu muwaadin Canadian ah yahayba. Vanier Scholarship waxa ay xafiddaa caqliyada leh tayo hoggaamineed, muujisana guulo waxbarasho aan caadi ahayn, kuna saabsan dhinacyada cilmiga bulshada, bini-aadantinimada, cilmiga dabiiciga ah, injineerinka, iyo culuumta caafimaadka la xidhiidha.

Barnaamijka deeqdan waxbarasho wuxuu ku qaataa ardayda Doctoralka ah saddex shuruudood oo siman.  Shuruudahaasi waxay kala yihiin,  heerka sare ee tacliintiisa, tayadiisa hoggaamineed iyo kartidiisa cilmi-baadhista. Maadaama uusan jirin waraysi lala yeelanayo ardayda ku soo codsatay deeqdan waxbarasho, haddana waxaa lagu qiimayn doonaa documents-ka ay soo xareeyaan tartamayaashu.

Nooca gaarka ah ee deeqdan waxbarasho leedahay waxaa weeye; waa dariiqyo ka kooban codsi iyo xulasho.  Macaahida iyo jaamacadaha Canada waxaa lasiiyaa kootooyin u gaar ah oo hoostimaada isla deeqdan waxbarasho ee Vanier. Haddaba, codsadayaasha deeqdu waa in ay marka hore xareeyaan jaamacadda kaddibna u sheegaan inay diyaar u yihiin inay helaan deeqda waxbarasho ee Vanier qaybta PhD. 

Dhammaan murashixiinta loo doortay deeqdan waxbarasho ee Vanier waxaa soo magacaabi doona jaamacadaha ay xareeyeen markii hore.  Haddaba dhammaan qaabka loo codsanayo iyo habraacyadaba waxaa lagu faahfaahiyay sadarrada dambe ee soo socda. Sidoo kale, dhammaan lifaaqyada la xidhiidha deeqdan waxaa ka helaysaa xagga hoose si ay ugu sahlaanato xaraynta codsadayaasha iyo akhristahaba.

Deeqaha waxbarasho ee Vanier CGS ee Canada waxaa maamula hay’adaha Dawladda Canada ee kala ah: Machadka Cilmi-baarista Caafimaadka Canada, Golaha Cilmi-baarista Sayniska iyo Injineerinka, iyo Golaha Cilmi-baarista Sayniska Bulshada iyo Aadanaha. Aqoonyahanada Vanier waxay helayaan deeq dhan $50,000 sanad walba muddo saddex sano ah. Barnaamijku waxa uu aqbalaa oo taageera ilaa 166 aqoonyahan sanadkiiba. Taa baddalkeeda, aqoonyahannadan iyo maskaxdooda furfuran ee ifaysa  ee heerka caalami ahi waxay gacan ka geystaan ​​abuurista jawi wax ku ool ah oo cusub gudaha jaamacadaha Canada gaar ahaan iyo si guudba Canada.

Faa'iidooyinka deeqda waxbarasho ee Vanier Canada 2025:

Deeqda waxbarasho ee dalka Canada.
  1. Deeq lacageed oo dhan $50,000 ayaa sanadkiiba la siin doonaa aqoonyahannada muddo saddex sano ah.
  2. Codsadayaashu deeqdu waxay heli karaan fursad ay ku sii wataan Ph.D. Dhammaan jaamacadaha Canada ee uu rabo ardaygu.
  3. Daraasadaha iyo cilmi baadhista codsadaha deeqda ayaa si buuxda ama qayb ahaan loo maalgelin doonaa si ku  saleysan guulihiisa tacliineed, Research Propasal-kiisa, iyo tayada hoggaamintiisa.

Shuruudaha u-qalmitaanka ee Vanier Canada deeqda-waxbarasho:

  1. Codsaduhu waa inuu noqdaa muwaadin Kanadiyaan ah ama ajnabi ah oo wax ka baranaya Kanada.
  2. Codsaduhu waa inuu wadaa shahaadada PhD waana inuu ahaadaa arday dhigta jaamacad Canadian ah waliba waqti-buuxa ah.
  3. Musharaxa waa in ay soo magacawdaa jaamacad kamida kuwa hela tahay  kootada deeqda Vainer CGS. (Liiska waxaa la cusbooneysiin doonaa July 1).
  4. Codsaduhu waa inuu wadaa barnaamijka ugu horreeya ee PhD.
  5. Codsaduhu waa inuusan ka helin wax deeq waxbarasho mid ka mid ah saddexda hay’adood ee Kanadiyaanka ah ee CIHR, NSERC, ama SSHRC barnaamij kasta oo kale oo doctoral ah.

Required Documents for the Vanier CGS 2025:

  1. Foomka codsiga ResearchNet.
  2. Laba warqadood oo tixraac ah.
  3. CV/Resume.
  4. Cilmi-baadhis aan ka badnayn hal page in uu diyaariyo.
  5. Laba warqadood oo tixraaca u noqnaya heerkiisa hoggaamineed.
  6. Caddaynta tacliintiisa sida shahaadooyinka iyo warqadda natiijooyinka.

Xilliga Kama Dambaysta ah ee Codsiga:

Xilliga kama danbaysta ah ee barnaamijkan waxbarasho waa: October 30, 2024.

Mahadsanidiin

1 thought on “Deeqda waxbarasho ee dalka Canada.”

  1. The level of my appreciation for your work mirrors your own enthusiasm. Your sketch is visually appealing, and your authored material is impressive. Yet, you appear to be anxious about the possibility of moving in a direction that may cause unease. I agree that you’ll be able to address this matter efficiently.

Leave a Reply

error: Lama ogola !!