School student passing exam in classroom

ARRIMO KAA CAAWINAYA GEEDIGAAGA WAXBARASHO

Hordhac

Waxbarashadu waa halbowlaha nolosha, waa hilinka loogu maro mustaqbalka la hiigsanayo, waa sababta ay subax walba ugu dareeraan dugsiyada ubaxii dalka, oo aan ka sugayno berri in ay hogaanka u qabtaan waddan asaagii ka hadhay oo hiil iyo hoo uga baahan.

Marka laga yimaaddo muhiimadda ay leedahay waxbarashadu waxa jira xirfado ay khasab tahay in laga helo ardayga hiigsanaya inuu heer sare ka gaadho waxbarashada.

Qormada manta waxaan idiin ku soo gudbinayaanaa talooyin toban ah oo arday walba ka caawin doona geedigiisa waxbarasho.

1. Fursad sii maadooyinka aad baranaysid, ogowna maalin mutacalim laguma noqdee.

Hal maalin, amaba hal todobaad ha ku baran wixii ay ahayd in aad sanad ku baratid, taasi waxay curyaaminaysaa xasuustaada iyo in aad natiijo fiican keento imtixaankaaga(intaad fogtahaa la faytaa).

Tusaale ahaan: baaldi biyo ku shub oo buuxi, baaldigaas oo dalool yar salka ku leh, kaas oo inyar markuu joogoba dhibic biyo ah sii daynaya, haddii aad is tidhaahdid markiiba biyo ku shub waxaad arkaysaa sagii oo weli buuxa biyihiina way daadanayaan, balse hadaad maalin ka bacdi u timaadid baaldigii aad buuxisay biyihii way is dhimayaan, waxaadna fursad u helaysaa in aad buuxiso mar labaad baaldiga.

Sidaa waxaa lamid ah xasuustaada, oo  hadii aad istidhaahdid wixii aad baranaysay oo dhan hal maalin ku baro, ama ku soo koob waxay lamid tahay baaldigaas buuxa ee aad biyaha dusha kaga sii shubtay isla markiibana biyihii daadiyeey, balse hadii aad maalintiiba inyar oo kugu filan aad baratid taasi waxay kaa caawinaysaa in maskaxdaadu si fiican u kaydiso wixii aad baranaysay.

Tusaale kale: daraasad lasameeyey ayaa sidan ahayd, 20 arday baa waxa ladoonayaa in ay Bartaan 200 oo erey oo English ah, Waqtiga laga rabo in ay ku bartaana waa 2 saacadood. 

Ciyaalkii waxa lookala qaybiyey laba kooxood oo min 10 qof ah. 

kooxdii koowaad, labadoodii saacadood hal marbay u fadhiisteen oo ay ku qaateen labadii boqol ee erey.

kooxdii labaad, afar maalmood bay maalintiiba 30 daqiiqo ku baranayeen 50 erey oo English ah, isugaynta saacaduhuna waa 2 saacadood, isugeynta ereyaduna waa 200 oo erey. Dabadeedna tijaabo ayaa laga qaaday labadii qoloba, waxaana la ogaaday in qolada dambe ee loo yaryareeyey casharada ay ka fiicnaadeen qoladii hore, ee yagu duuduubka ku qaatay casharadooda,  inkasta oo waqtiga iyo ereyada ay baranayeen labadan kooxood ee caruurta ahi isleekeenyeen.

2. ku celcelin

Qofka baranaya xirfadda dhar tolista, kan baranaya xirfadda sida nabarada iyo dhaawacyada loo tolo, amaba xataa kan cayaar towga ahi, waxa ay sameeyaan ku celcelin joogto ah taas oo u suuragelisa in ay ugu dambayn xarfaan ku noqdaan waxaas ay baranayeen, sidaas waxaa lamid ah waxbarashada ardayga, oo wixii aad ku celcelisoba waad barataa, xataa haduu adagyahay.

3. Keliya ha ku celcelin buugaagta balse fahan

In aad buugaagta ku celcelisid adiga oo aan fahansanayni waxay lamid tahay adiga oo Hal-xidhaale laguu dhiibay oo aad jawaabtiisii buug ka soo eeganaysid, halkii ay ahayd in aad adigu xalisid oo aad garaadkaaga iyo garashadaada la kaashatid.

4. Tijaabi naftaada

waydii naftaada su’aalo kedis ah, sida kuwa macalinkuba ku waydiiyo maalmaha qaar, dabadeedna isku day in aad kajawaabtid.(waxa qaabkan looyaqaanaa retrieval practice)

Book in library Waxbarashada

5. Khaladaadku waa caadi inta aad wax kabaranaysid

Isku day in aad kashaqaysid su’aalaha ku qoran buugaagta waxbarashada ee heerkaaga ah, ka raadi jawaaba maskaxdaada kaashona aqoontaada,dabadeedna is barbar dhig jawaabtaada iyo tan buuga ku qoran.

6. Isku badhax wax barashadaada

Hal maado waqtiga oo dhan ha gelin taasi waxay keenaysaa in aad maadadaas ka xiiso dhacdid oo aad ku daashid, balse isku day in aad ugu yaraan laba maado iyo kabadan aad mid walba feker fiican ka qaadatid.

7. Isticmaal sawiro

In aad sawirto waxa aad baranaysid waxa ay kaa saacidaysaa in aad sifiican u xasuusatid, tusaale ahaan: halkii aad jaatus, amaba sawir xisaabeed buug ku qoran aad ka shaqayn lahayd, waxaa kuu fiican in aad adigu sawirtid, sidaa waxaa lamid ah haddii aad fahmiwaydo sida wadnaha aadmigu u samaysanyahay waxaa haboon in aad sawirtid.

8. Raadi tusaaleyaal

Waa ay adagtahay in aad si fudud u fahantid fekradaha buugaagta ku qoran ilaa aad tusaalooyin heshid kaa caawinaya arintaas. Tusaale ahaan: Haddii lagu yidhaahdo cuntooyinka dhanaanka waxaa u sameeya aashito(acid) way adagtahay in aad aaminto, balse haddii lagu yidhaahdo liin-dhanaanta iyo khalka waxa dhadhankooda u sameeyaa waa aashito way sahlantahay in aad fahantid cuntooyinka kale ee ay yana dhadhanka u samayso aashitadu.

9. Cilmiga iyo aqoontu kor kaxaadis maaha ee boholihiisa ugu dhaadhac

Haddii aad aragto aqoon iyo cilmi buugaag ku qoran, had iyo jeer is waydii, su’aalaha ah, sababta, sida, iyo goorta.

Tusaale ahaan: haddii lagu yidhaahdo biyuhu way uumi baxaan, iswaydii siday u uumibaxaan? Maxay u uumi baxaan? Halkeese ayeey ka uumi baxaan?

10. Samayso qorshe, kuna dhaqan

Time management (waqti iyo waxbarasho)

Nolol aan qorshe lahayni waxa ay lamid tahay doon badweyn maraysa oo aan jiheeye lahayn, iyadoo ay sidaas tahay oo aan noloshu marna ka maarmayn in aad qorshayaal mudaysan lahaatid, hadana waa ay ka sii muhiimsantahay marka aad arday wax baranaya tahay.

Tusaale ahaan: waxa aad meel ku qorataa in aad maalintii wax akhridid saacad iyo badh, runtii way kugu adkaanaysaa maalmaha hore oo dhan, basle mudo yar kabacdi waad laqabsanaysaa oo noloshaada ayeey kamid noqonaysaa in aad saacad iyo badh wax akhridid.

Waxa aad samayn kartaa marka aad wax akhriyeeysid in aad saacadaas iyo badhkaas aad kala jejebisid oo aad kadhigatid sadex meelood oo min sodan daqiiqo ah.

Meel munaasid ah fadhiiso, kana dhex bax waxkasta oo baraarugaaga weecinaya(distraction), meel iska dhig moobilka, dabadeedna marka aad sodon daqiiqo wax akhridid, naso xoogaa, manja baxso oo yara jimicso, oo hadaad doontid koob shaah ah ka qacsii, taleefanka soo qaado oo yara fiiri wixii muhiim kuu ah, markaas kabacdina dib ugu laabo wax akhriskaagii, ilaa aad ka dhamaysanaysid waqtigii kuu qorshaysnaa in aad wax akhridid.  qaabkani wuxuu kaa caawinayaa meelaynta xogaha ee maskaxda.

Hambalyo . . .  waan ku faraxsanahay in aad dhammaysay aqrinta qormadan, haddii aad ka faa’iiday la wadaag asxaabtaada, wixii fikir ama faallo ahna hoos noogu reeb, qormooyin & maqaallo dheeraad ah halkan riix

Resorces:

Leave a Reply

error: Lama ogola !!