Al-Najaax School

Dugsiga Hoose, Dhexe iyo Sare ee Al-Najaax

Warbixin Kooban

Geeddi-socodka dugsiga (2000-2022)

Dugsiga Al-Najaax waxa la aasaasay sannad dugsiyeedka 2000-2001, waxa lagu bilaabay 6 fasal iyo hal xafiis, sida uu yahay xaalka waxbarashadu wuxuu ku bilowday: dhisme kooban, arday aan badnayn, iyo bareyaal urursan.

Waqti xaadirkan qaybaha kala duwan ee dugsiga Al-Najaax  waxa ka hawl-gala in ka badan 81 xubnood oo isugu jira maamul macalimiin iyo shaqaale kale.

Dugsigu wuxuu soo saaray wax ka badan 3850 arday kuwaas oo ka qalin-jabiyay qaybaha kala duwan ee dugsiga, si la mid ah ardaydaas aflaxday waxa jidka tacliinta haya oo dugsiga wax ka barta ku dhowaad 1600 oo arday.

Dedaal joogto ah, midnimo iyo isku duubnida maamulka macalimiinta iyo ardayda dugsiga ayaa suurta galisay in uu maanta noqdo mid ka mid ah dugsiyada ugu waawayn magaalada boosaaso, iyo guud ahaan puntland. 

Ardayda dugsiga Al-Najaax oo u fadhida imtixaan

Manhajka

Barnaamijka tacliimeed ee dugsiga Najaax waxa uu waafaqsan yahay manhajka Wasaaradda Waxbarashada Dawlada Puntland, sanad dugsiyeedku wuxuu bilawdaa bisha September wuxuuna dhamadaa bisha May, waxaana loo kala qaybiya laba Teram oo mid walbaa leeyahay imtixaan Final ah iyo kuwa bille ah.

Ardayda fasalka 8aad ee dugsiga dhexe iyo ardayda fasalka 12aad ee dugsiga sare; waxaa imtixaanka Shahaadiga ah ka qaadda Wasaaradda Waxbarashada ee dawlada Puntland, waxayna ka qayb galaan imtixaanka dhexe ee wasaaraddu ka qaado dhammaan ardayda puntland ee dhamaynaysa heerarka waxbarashada hoose iyo sare.

Degaanka & dhismaha

Deegaanka waxbarasho waa mid ka mid ah meelaha laga qiimeeyo goobaha wax lagu barto, degaanka habooni wuxuu qayb wayn ka qaataa xasiloonida iyo xiisaha tacliineed ee ardayga, sidaas darteed waa muhim in sare loo qaado bilicda, nadaafadda, iyo qalabaynta xarumaha waxbarashada.

Dugsiga Al-Najaax wuxuu leeyahay laba degaan waxbarasho oo ku yaal xaafadda baalade, iyo xaafadda raf iyo raaxo ee magaalada boosaaso, kuwaas oo ka kooban fasallo w/barasho, xafiisyo shaqo, maktabad aqris, qolalka nasashada iyo shirarka.

Waxqabadka

Waxbarashada uu bixiyo dugsiga Najaax waxa feer socoda barnaamijyo kala duwan oo isugu jira tabobarro, waxqabadyo (Activities) iyo tartanno sanadle ah oo loogu talagalay kobcinta aqoonta, khibrada, iyo jirka ardayda dhigata dugsiga, Tartannada sanadlaha ah ee la qabto waxaa ka mid ah:

Maamulka dugsigu wuxuu ku bixiyaa tartannadan; abaal marino kala duwan si oo loo dhiiri galinayo ardayda hormuudka ka ah.

Al-Najaax School Activities

Booqo ama la xiriir

Haddii aad tahay bare, cilmi baare, arday ama waalid waxaad kala xiriiri kartaa dugsiga Hoose Dhexe sare ee Al-Najaax tell-ka, email-ka, ama bogaga baraha bulshada ee dugsiga ee hoos ku xusan, sidoo kale waxaad booqan kartaa xarunta dugsiga.

Leave a Reply

error: Lama ogola !!