People with education related icons, resource

Wax barashada qurbaha sababo iyo caqabado

Hordhac

Waxaan idinku salaamay dhammaan akhristayaasha iyo xiiseeyeyaasha aqoonta salanta ay isku salaamaan dadka jannada (Ahlu jannada) ee ah Asalaamu Calaykum Waraxmatu laahi Wabarakaatu, waxaa mahad balaadhani usugnaatay Alihii igu guuleeyey in aan dhammaystiro maqaal waxbarasheedkan aan u arko in uu muhiim u yahay arday walba oo safar waxbarasho u tegaya meel ka baxsan wadankiisa hooyo.

Waxaynu qeexi doonnaa waxbarashada, waxaynuna si urursan u faallayn doonaa muhimadda ay u leedahay horumarka, intaas ka dib waxaynu qaadaa-dhigi doonaa sababaha keena hayaanka waxbarasho, ugu danbayn waxaynu xusi doonaa qaar ka mid ah caqabadaha uu la kulmo ardayga u waxbarasho doonta qurbaha.

Waa maxay waxbarasho?

Ereyga waxbarasho wuxuu ka koobanyahy 10 xaraf, (Wax) waa erey koobaya wax kasta oo lagu tilmaami karo inuu yahay shey jira, (Barasho) waa raacid/Daraasayn, Barashada aqoontu waxay qofka uga baahantahay go’aan, marka labaadna waxay uga baahantahay inuu u huro waqti, hanti, maal iyo maskax, iyo wax walba oo aqoontu uga baahato.

wax barashadu waa shey asaasi ah oo uumiyuhu u wada baahan yahay, aqoonta diineed,  iyo mida aduunba waxay daruuri u yihiin horumar lagu tanaado oo la helo aakhiro iyo aduun labadaba.

Horumarku wuxuu ku xidhanyahay waxbarashada!

Horumarka waxa lagu gaaraa shaqo aan dhammaanayn oo weligeed soconaysa, hadii la yidhaahdo horumarkii gaadhnaye aynu nasano waxaynu ku noqon halki aynu marki hore kaso ambaqaadnay.

Horumarku waxa gaara dad ku heshiiyey inay xoojiyaan, hagaajiyaan, sarena u qaadaan qodobbadan hoos ku xusan: 

  1. Diinta (Religion).
  2. Dhaqanka (Culture).
  3. Dhaqaalaha (Economy).
  4. Siyaasadda (Political).
  5. Degaanka (Ecology).

Maxaa sababa hayaanka waxbarasho?

Burburkii ka dib waxbarashadu waxay ka mid noqotay sababaha soomaali badani ugu dhoofaan qurbaha, waayahan la joogo ardayga soomaaliyeed wuxuu daneeyaa in uu debedda ku diyaariyo ugu yaraan mid kamid ah heerarkiisa waxbarasho, hab-fikirkan sababo kala duwan ayaa keenay in uu si wayn ugu dhexfaafo dhalinteenna:

1. Deeqaha waxbarasho

Dawlado ay ka mid yihiin sucuudiga, masar, sudan, Ethiopia, iyo turkey, ayaa deeqo waxbarasho siiya dawladda soomaaliyeed, oo iyana u sii qaybisa maamulada dalka ka jira, sidoo kale waxa jira deeqo furan oo ay bixiyaan jaamacaduhu kuwaas oo hab online ah loo codsan karo.

2. Takhasusaad aan wadanka laga helayn

Qaar ka mid ah takhasusyada muhiimka ah ee caafimaadka, engineering-ka laguma bixiyo gudaha dalka, arrintaasina waxay keentaa in ardayga soomaaliyeed ka doonto meesha uu ka heli karo. 

3. Qawade iyo quudhsi

Waa mid ka tirsan sababaha aysan afka ka dhowrin waalidka, dhalinta, iyo xataa in badan oo ka mid ah aqoonyahanka soomaaliyeed oo dhaliilo u jeediya tayada waxbarasho ee jaamacadaha dalka.

Dhaqanka meel maray ee maal qabeenada iyo siyaasiyiinta oo debedda waxbarasho ugu dirsada ubadkooda, iyo u sinaan la’aanta fursadaha shaqo ee dhexyaala ardayda wax ku baratay gudaha & debedda; ayaa tusaale u noqon kara qodobkan.

4. Hiyi kac & isku dayasho

Mawjadihii tahriibka, badheedhihii khataraha badda iyo saxaraha, iyo isu dhiibkii magafe waxa bedelay hirar dhoof oo huwan maro waxbarasho, isku dayasho damac ma lehe intii asxaab, ama deris ahaydba waa is jiidatay, hebelba tegyee maxaa ku dhigay baa ka dhacday.

Caqabado ma la kulmaan ardayda qurbuhu?

Iyada oo intaas oo sababood qofku ugu bixi karo in uu wax ka soo barto dal shisheeye; waxa jira caqabado uu kala kulmo wadanka uu u aaday waxbarashada, Waxaana kamid ah caqabadahaas:

1. Gap manhaj

Waxa dhacda badana ardaydu markay wadanka ka baxaan inay kala kulmaan wadamada kale manhaj waxbarasho oo ka duwan kii wadankooda, halkaa waxa ka bilaabata caqabad ka mid ah kuwa ugu adag ee ardaydu kala kulmaan jaamacadaha debedda, qaab bixinta macalimiinta iyo hab gudbinta casharada jaamacadaha ayaa ka duwanaada kii ay ku yaqaaneen dugsiyada sare.

2. Luuqadda:

Afka ama luuqadda wadanka lagaga hadlo ama casharada lagu bixinaayo waa caqabad soo food saarta ardayada u wax barasho doonta debedda, way kala sahlanyihiin oo wadamada qaarkood waxbarashadu waxay ku baxdaa afafka English-ka ama carabiga oo soomaalida wax uga bilaabanyihiin.

Dalalka aan lagaga hadlin labadaan af mikood waxaa khasab ku noqota qofka in uu muddo ahaado dhegool aan waxba ka fahmayn waxa laga hadlaayo iyo meesha loo socdo toona.

Wadamada qaybtood waxa ay ardayda u sameeyaan lix bilood ama sanad luuqadda laga soo dhisayo, arrintani in kasta oo ay wax fiican ka tarayso fahanka casharada haddana waxay ku dheeraynaysaa muddadii waxbarashada.

3. Dhaqanka:

Hab-dhaqanka ama caadooyinka wadamadu waa kala duwanyihiin, hadii wadankeena hooyo 100% dadkiisu muslim wada ahaa, hal afna ku wada hadli jiray wadamada aduunka badan koodu sidaas ma aha oo dad diinta, dhaqanka, iyo afka, midna aan wadaagin baa ku nool.

4. Cuntada

Cunooyinka ayaa ka mid ah waxyaabaha sida wayn loogu kala duwanyahay, waxa laga yaabaa meelaha qaar in aad ku aragto ummad cunaysa doofarka, hilibka caydhiin, ama waxyaabaha kale ee diinteenu inaga reebtay, si walba oo ay ahaato waxa kula gudboon in aad is dhawrto. Ishana aad ku hayso xaqiijinta yoolkaaga waxbarasho.

5. Cimilada

wadankeena hooyo cimiladiisu waa meel dhexaad, ma laha kulayl ama qabow xad-dhaaf ah midna, wuxuu ku jiraa wadammada ugu cimilada wacan aduunyada, hadaba ardayoow wadanka aad aqoonta ka doonatay haddii aad kala kulanto cimilo qallafsan col hortii ha jabin ee adkaysi iyo Samir wehel ka dhigo.

Gunaanad

Si walba oo ay ahaato ardaygii danaynaya in uu u baxo wax-barasho dibadeed -heerka ay doonto ha ahaatee- waa in uu qodobada aan kor ku soo xusnay maanka ku hayaa, daraasad ku filan ka sameeyaa wadanka uu ubaxayo, hadii taasi dhici waydo oo uu xoga-la’aan ku baxo, waxay dhaawac ku tahay geeddiga waxbarasho ee ardayga, waxayna u dhowdahay in safarka aqooneed ku soo dhammaado fashil iyo guul darro.

1 thought on “Wax barashada qurbaha sababo iyo caqabado”

Leave a Reply

error: Lama ogola !!