Codsiga Macallinimada Kalka 2aad
Wixii cilad farsamo ah fadlan kala xdhiidha:
Email: teachers@moe.gov.so
Hordhac
Wasaaradda waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare waxaa farxad u ah in ay mar kale si daahfuran u soo bandhigto fursad shaqo 3000 bare ah oo isugu jira barayaasha dugsiyada xannaanada, asaasiga, iyo kuwa sare. Barayaashan la qaadan doono waxa ay marka hore mari doonaan tababar cufan oo deg-deg ah, kadibna ka shaqo geli gobollada, degmooyinka iyo tuulooyinka dalka. Bare kasta waxa uu dooran doonnaa halka uu ka shaqeyn doono iyo heerka dugsiga uu dhigi doono, iyadoo ay dowlad goboleed walba ka howl geli doonaan tiro jaan go’an.
Bare walba marka uu buuxinayo dalabka codsiga oo ah online waxa uu codsan doonnaa degmada uu ka shaqeyn doono, haddii uu kala saaridda hore ku soo gudbana waxa ay howlihiisa ( tababarka, nidaaminta, shaqada iwm) oo dhan ka socon doonaan dowlad goboleedka uu doortay.
Shuruuudaha looga baahan yahay codsadaha/musharaxa shaqada
B. Shuruudo Guud:
- Waa inuu heysto shahaaddada darajada koowaad ee heer jaamacadeed oo ay wasaaraddu aqoonsan tahay.
- Waa inuu ka gudbo imtixaanka qaadashada macallimiinta oo ah qoraal iyo af .
- Inuusan lahayn balwad caafimaadkiisa, shaqadiisa, go’aan qaadashadiisa ama sumcadiisa bulshada dhexdeeda wax u dhimmi karta.
- Waa inuu leeyahay akhlaaq fiican iyo dulqaad, ka fayow yahay cudurada la is qaadsiiyo, aanu lahayna iin wax u dhimi karta gudashada xilkiisa.
- Inuusan horay u galin fal dambiyeed maxkamad xukuntay.
- Waa in da’diisu u dhaxayso 22-60 jir.
- Waa inuu leeyahay xirfado dad la dhaqan wanaagsan iyo wadashaqeyn.
- Waa inuu diyaar u yahay inuu ka shaqeeyo goobta lagu qoro.
T. Baraha Dugsiyada H/Dhexe:
- Baraha codsanaya dugsiyada hoose/dhexe waa inuu dhigi karaa ugu yaraan afar ka mid ah maadooyinka lagu dhigo dugsiyada hoose iyo dhexe.
J. Baraha dugsiyada sare:
- Baraha codsanaya dugsiyada sare waa in uu haysto shahaadada kulliyada waxbarashada
- Baraha codsanaya dugsiyada sare waa in uu dhigi karaa, ugu yaraan, laba (major/minor) ka mid ah maaddooyinka dugsiyada sare lagu dhigo.
X. Dugsiyada Xanaanada:
- Baraha codsanaya dugsiyada xannaanada waa in uu dhigi karo dhammaan maaddooyinka dugsiyada xannaanada lagu dhigo.
- Waa inuu fahamsan yahay baahiyaha carruurta yaryar.
Codsiga:
Codsiga shaqada waa qaab online ah, iyadoo la buuxinayo dhammaan xogaha codsiga ku jira lana soo raacinayo dokumentiyada hoos ku xusan:
Lifaaqyada Muhiim ka ah
- Nuqul shahaaddada iyo xogta dhibcaha (transcript) heerka 1aad ee jaamacadda
- Nuqul taariikh nololeedka (CV) oo ku qoran Af Soomaali.
- Hal sawir oo la qaaday labadii bil ee ugu dambeysay.
Fiiro Gaar ah
Gabdhaha waxaa lagu dhiirrigelinayaa in ay fursadahan ka faa’iideystaan, Codsiyadoodana qadarin gaar ah la siin doono.
Codsade walba waxa uu soo gudbin karaa, oo keliya, hal dalab, isaga oo ku caddeynaya halka degmo ee uu ka shaqeynayo.
Taariikhda codsigu ku egyahay waa July 15, 2024. Saacadda 10:00 PM.
Tixraac
Waxaad ka codsan kartaa: Websiteka wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare.