Fursadaha ay haystaan Ardaydda barata Cilmiga dhaqaalaha. (The top jobs in economy students).

Inta badan Ardayddu waxa ay iswayddiiyaan waxyaabaha ay ka shaqayn doonaan marka ay Jaamacadda dhammeeyaan, waana su’aal macquul ay tahay in uu qofku uu iswayddiiyo, inkasta oo ay ka habboon tahay in uu ka horraysiiyo su’aashan Hal-abuurridda fikrad cusub oo aanu ka fekerin shaqo kaliya ( innovation thinking). Kaas oo u sahlaya in uu suuqii shaqada wax soogaliyo ama isagu si fudud usoogalo. Haddaba waxaynu qormadeenna maanta ku xusi doonnaa fursadaha shaqo ee Ardaydda dhaqaalaha u bannaan.

  1. In ay ka shaqeeyaan Banka dhexe (work for a central Bank): Qofka ka baxa kulliyadda dhaqaaluhu waxa uu ka shaqayn karaa Bankiga dhexe iyo dhammaan Bangiyada, Baanka dhexe waa hay’ad maaliyadeed oo muhiim, Qormo gaar ah ayaynu kaga hadli doonnaa Insha Allaah.
  1. In uu noqdo shaqaale Dawladeed (work for the government): Inta badan dadka Dawaladda u shaqeeya, gaar ahaan Wasaaradda ganacsiga, qorshaynta iyo maaliyaddu waa dad bartay kulliyadda dhaqaalaha, tanina waa fursadda labaad ee ay haystaan Ardaydda dhaqaalahu.

3. Lataliye (work as consultant): Haddii aad barato dhaqaalaha waxaad lataliye u noqon kartaa shirkadaha Dawlada iyo ganacsiyada gaarka looleeyahay.

4. Macallin Jaamacaddeed (University professor): Fursadda kale ee ay haystaan ayaa ah in uu qofku noqdo bare jaamacadeed, macallinimaddu waa shaqo adag, balse sharaf aad u weyn leh. Insha Allaah qormadeenna danbe waxa aynu ku eeggi doonnaa suuqyadda iyo arrimo kale oo muhiim ah. Dhammaad.

Tixraacyadda qormadda:

1. Macroeconomics- Olivier Blanchard.

2. Macroeconomics- Robert J. Gordon.

Qoraa: Abdirahman Abdisamed.

Leave a Reply

error: Lama ogola !!