Imtixaanka shahaadiga ah ee sannad waxbarasheedka 2023

Imtixaanka shahaadiga ah ee sannad waxbarasheedka 2025, warbixin dhammaystiran.

Waxbarashadu waa furaha guusha iyo horumarka aadanaha, waa misbaaxa maanka, baanta nafta, istareexa araga, sooryada maqalka, iyo dhaxalka faca koraya iyo kuwa xiga.

Mar la baad waxbarashadu waa habka khibradaha & aqoonta loogu gudbiyo faca koraya; si uu kaalin-gal u noqdo, dedaallada bareyaashu si aysan u noqon kuwo lagu tacab khasaaro waxa si joogto ah loo sameeyaa qiimayn. ujeedka qiimayntu waa in la ogaado heerka ay joogto guusha uu baruhu ka gaaray gudbinta aqoonta, iyo heerka ay joogto guusha uu ardaygu ka gaaray weelaynteeda.

Muhiimadda uu imtixaanku way labo jibaarantahay marka uu yahay mid shahaadi ah, imtixaannada shahaadiga ah waa kuwa loogu kala gudbo labo marxaladood oo waxbarasho.

Haddii Imtixaanka sannad dugsiyeedku jaan gooyo guusha ardayga ee hal sannad dugsiyeed, imtixaanka shahaadiga ahi waxa uu jaan gooyaa guusha ugu yaraan afar sano oo waxbarasho.

dhanka kale haddii tartanka imtixaanka sannad dugsiyeedku u dhexeeyay arday wax ka barta hal dugsi/iskool, tartanka imtixaanka shahaadigu wuxuu u dhexeeyaa kumanaan arday oo wax ka barta dugsiyo kala jaad ah oo ku yaal degmooyin, iyo gobollo kala duwan.

sanad dugsiyeedka 2024-2025 ayaa soo gaba gaboobay waxaana loo fariistay imtixaannadii sannad dugsiyeedka iyo kuwii shahaadiga ahaa intii u dhaxaysay dabayaaqada bisha 5aad iyo bisha 6aad.

Shabakadda Som-Exams oo kaydisa imtixaannada dalka Warbixintaan waxay diiradda ku saari doontaa imtixaannadii shahaadiga ahaa ee dalka laga qabtay sannad waxbarasheedka 2024/2025.

Halkan waxaan idiin ku soo gudbin doonnaa imtixaannadii laga qaaday ardayda todoba maamul goboleed iyo Caasimadda [banaadir] tirada u fariisatay imtixaannada iyo xogo kale oo muhim ah, kuwaas oo aan ka soo xigannay warbixinaha ay baahiyeen wasaaradaha waxbarashada iyo komishinada imtixaanka ee ka jira dalka.

Banaadir

Guud ahaan dalka imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 4aad Dugsiga sare ee Gobolka banaadir waxa u fariistay 23,445 oo isugu jira gabdho iyo wiilal, waxaana lagu qaaday 67 xarumood. [1]
Halka ardayda u fariistay imtixaanka shahaadiga ah ee fsalka 8aad dugsiga dhexe ay gaareen 41,639 arday, 18,860 ka mid ah waxay ahaayeen gabdho halka wiilashu ay ahaayeen 22,778 sida uu munaasibadda furitaanka ka sheegay Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Mohamed Yusuf Nor. [2]

Puntland

Sida ay faafisay wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad waxa u fariistay ardey gaareysa 14,239 oo ardey, 7,824 waxa ay ahaayeen wiilal, halka 6415 ay ahaayeen gabdho.
Imtixaanka shahaadiga ah ee Fasalka 4aad dugsiga sare waxa u fariistay 7,562 oo ardey, 3,231 waxay ahaayeen gabdho hakla wiilashu ay ahaayeen 4,331.

Tirada guud ee ardayda u fariisatay imtixaanka shahaadiga ah ee dawlad goboleedka Puntland fasalada 8aad iyo 12aad waa 23,768 arday, waxana lagu qaaday 151 xarumood, waxaana ilaalinayey 1,247 ilaaliyaala. [3]

Somaliland

Somaliland Sannad dugsiyeedka 2024/2025 imtixaanada shahaadiga ah ee fasalka 8aad dugsiga dhexe waxaa u fadhiistay 24,167 oo ardey, 13,332 waxay ahaayeen wiilal halka 10,835 ay ahaayeen gabdho, waxaana lagu qaaday 181 Xarumood.

Imtixaanada shahaadiga ah ee fasalka 4aad ee dugsiga sare waxa u fadhiistay arday dhan 15,791 oo arday, 8,826 waxay ahaayeen wiilal halka 6,965 ay ahaayeen gabdho, waxaana lagu qaaday 135 Xarumood. sida lagu daabacay bogga wasaaradda waxbarashada iyo sayniska somaliland.

Tirada guud ee ardayda u fariisatay imtixaanka shahaadiga ah ee dawlada Somaliland fasalada 8aad iyo 12aad waa 39,958 arday.[4]

Galmudug

Imtixaanka shaadiga ah ee sannad dugsiyeedka 2024/2025 fasalka 8aad oo ay qaadday wasaaradda waxbarasha dadawlad goboleedka galmudug waxa u fariistay 7,968 arday, 4,091 waxay ahaayeen wiilal halka 3,877 ay ahaayeen gabdho, waxaana lagu qaaday 41 xarumood oo ku kalayaal 18 degmo, sida lagu xusay bogga Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare Ee Galmudug.[5]

Imtixaannada fasalka 4aad ee dugsiga sare waxa u fariistay 3,211 oo arday, imtixaanka waxa lagu qaaday 17 xarumood oo ka tirsan maamul goboleedka Galmudug. [6]

Tirada guud ee ardayda u fariisatay imtixaanka fasalka 8aad ee dugsiga dhexe iyo fasalka 4aad ee dugsiga sare waa 11,179 arday.

Jubbaland

Imtixaanka dugsiga sare e maamul goboleedka Jubbaland waxa u fariistay 2,095 arday, 1,383 waxay ahaayeen wiilal halka 732 ay ahaayeen gabdho. [7]

Imtixaanka dugsiga dhexe waxaa ka qayb galay arday tiradoodu gaarayso 4,357 oo arday, 2,665 waxay ahaayeen wiilal halka 1,693 ay ahaayeen gabdho. [8]

Tirada guud ee ardayda u fariisatay labada ee heer ee imtixaanka waa 6,452 arday maamul goboleedka Jubbaland.

Hirshabeelle:

Sanad dugsiyeedka 2024/2025 maamul goboleedka hirshabeelle imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12aad waxa u fariistay 2,961 oo arday, 1,853 waxay ahaayeen wiilal halka 1,108 ay ahaayeen gabdho, waxaana lagu qaaday 15 xarumood. [9]

Halka imtixaannada fasalka 8aad ay u fariisteen arday gaaraysa 7,790 arday oo isugu jira wiilal iyo gabdho, imtixaanka waxa lagu qaaday 35 xarumood. [10]

Wadarta guud ee ardayda u fariistay imtixaannada fasalka 8aad ee dugsiga dhexe iyo fasalka 4aad ee dugsiga sare waa 10,751 arday.

Koonfur galbeed

Dawlad goboleedka koonfur galbeed Imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga sare sannad dugsiyeedka 2024/2025 waxa u fariistay arday dhan 5,873 oo arday, 2,146 waxay ahaayeen wiilal halka 3,727 ay ahaayeen gabdho, waxaana lagu qaaday 25 Xarumood. [11]

Halka imtixaanka dugsiga dhexe ay u fariisteen 15,269 arday, 8,959 waxay ahaayeen wiilal halka 6,310 ay ahaayeen gabdho, waxaana lagu qaaday 61 Xarumood. [12]

Imtixaanka Tirada guud ee ardayda u fariistay imtixaannada shahaadiga ah waa 16,942 arday, imtixaanka waxa lagu qaaday 22 xarumood oo ka tirsan maamul goboleedka koonfur galbeed.

SSC khaatumo

Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee SSC Khaatumo C/xakiin Jaamac Dalmar ayaa sheegay in imtixaanka fasalka 4aad ee dugsiga sare ay u fariisteen arday dhan 1,520. [13]

halka imtixaanka fasalka 8aad ay u fariisan doonaan 2,404 ardey oo isugu jira wiilal iyo gabdho[14]

Tirada guud ee ardayda u fariisatay imtixaanka shahaadiga ah ee dawlad goboleedka SSC Khaatumo (8-aad iyo 12-aad) waa 3,658 arday.

Gaboabo:

Tirada guud ee ardayda u fariistay imtixaannada fasalka 8aad ee dugsiga dhexe guud ahaan soomaaliya waa 102,981 arday, halka tirada guud ee ardayda u fariistay imtixaannada fasalka 4aad ee dugsiga sare ay gaarayaan 61,037 arday.

Wadarta ardayda u fariistay labada heer ee imtixaannada shahaadiga ah ayaa isku noqonaysa 164,018. Arrintan ayaa ka dhigan inay korortay tirada ardayda u fariisatay imtixaanada shahaadiga ah oo sanadkii hore ahayd 152,617. Boqolleyda kororka sanadlaha ah waa 7.5%.

Maamulka Kayd xogeedka imtixaanka ee Som-Exams wuxuu u rajaynayaa dhammaan ardayda soomaaliyeed mustqabal ifaya, wuxuuna ugu ducaynayaa in ay noqdaan kuwo dalkooda anfaca, sidoo kale waxaan rajaynaynaa in sannadka danbe tirada ardayda soomaaliyeed ee u fariisan doona imtixaannada shahaadiga ah ay gaari doonaan 180,000 oo arday.

Tixraac

1- Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare

2- Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir

3- Bogga wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta sare ee Puntland

4- Somaliland Ministry of Education and Science 

5- Bogga Wasaaradda Waxbarashada Galmudug

6- Bogga Wasaaradda Waxbarashada Galmudug

7- Sanguuni Radio

8- SBC Somali TV

9- Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare

10- Telefishinka HirShabeelle

11- Bogga wasaaradda waxbarashada Koonfur Galbeed

12- Bogga wasaaradda waxbarashada Koonfur Galbeed

13- Hiiraan Online

Leave a Reply

error: Lama ogola !!