Laamaha Dhaqaalaha

Laamaha Dhaqaalaha (Branches of Economics).

Qormaddeenna maanta waxa aynu ku eegi doonnaa laamaha dhaqaalaha, qodobbada ugu muhiimsan ee mid walba diiradda lagu saaro iyo waxa ay ku kala duwan yihiin. Dhaqaaluhu waxa uu leeyahay laba laamood ama farac (two branches), kuwaas oo kala ah: Micro iyo Macro, labadan kalmedood asal ahaan waa Greek. Micro macna ahaan waxa ay noqnaysaa yar(small), halka ay ay Macro tilmaamayso waynaan ama fidsanaan (Large).

Macroeconomics-ku waxay la xidhiidhaa isu-gaynta arrimaha waaweyn ee dhaqaalaha (aggregates of the economy). halka Microeconomis-ku uu ka hadlayo shaqsiyaadka, dookhooda, dakhligooda, iibsigooda iyo go’aammada dhaqaale ay qaataan. Tusaale: Waxa aynu isu eegaynaa laba qof oo shaqaalaha ah mushaharkooda, waa maxay sababta uu xisaabiyaha Bankigu uga mushahar badan yahay macallinka Jaamacadda?. Arrimahan waxaa ka hadla microeconomics-ka. 

Laamaha Dhaqaalaha (Branches of economics)

Dhanka kale, Macroeconomics-ka arrimaha lagu falanqeeyo ee ay kawarranto waxaa ka mid ah: dakhliga guud ee waddanka, heerka shaqa la’aanta waddanku marayso, heerka sicirbararka iyo koboca dhaqaale ee waddanka. Guud ahaan dhaqaalaha waxaa lagaga hadlaa arrimo isku mid ah, balse kala heerar sarreeya, dhawrkan qodob ayaa ah farqiga guud ee u dhaxeeya labada laamood ee Dhaqaalaha. Idamka Eebbe qormadeenna danbe waxa aynu ku eegi doonnaa fursadaha shaqo ee ay heli karaan Ardaydda barta kulliyadda dhaqaalaha. Dhammaad.

Tixraacyada qormadda:

  1. Introductry economics (mirco and macro). Subhendu Dutta.
  2. MacroeconmicsMankew.
Qoraa: Abdirahman Abdisamed Ali.

Mahadsanidiin

Leave a Reply

error: Lama ogola !!