Noocyada nidaam dhaqaale ee jira (types of economic systems)
Waddamada Adduunka ka jira waddan walba waxa uu leeyahay nidaam dhaqaale oo uu ku shaqeeyo, qormadeenna maanta waxa aynu ku eegaynaa afar nidaam dhaqaale oo adduunka ka jira iyo waddamada isticmaala. Afartan nidaam dhaqaale ayaa kala ah:
- Traditional economic system.
- Market economic system.
- Command economic system.
- Mixed economic system.
- Islamic economic system.
Haddaba waxa aynu mid mid u eegi doonnaa afartan nidaam dhaqaale, innaga oo mid walba u samaynayna qeexitaan koobban xusaynana wax ka mid ah Faa’iidooyinka nidaamkaas.
1: Traditional system (oday-ka-soo-gaadh):

Waa nidaam dhaqaale, kaas oo ay udub-dhexaad u yihiin dhaqammo, diimo iyo caadooyin bulsho, waa nidaam aanu jirin suuq, lacag iyo wax kasta oo wax lagu kala baddesho ( medium of exchange). Nidaamkani waa mid ku dhisan ugaadhsi iyo in qof waliba duurka u galo sidii uu cunno iyo cabbitaan u heli lahaa, nidaamkani waxa uu jiray wakhtiyadii hore ee ay dadku ku jireen nolosha adag. Waxaa jira bulshooyina wali nidaamkan la haysata oo ku nool waddamada Africa qaar iyo kuwa Laatiinka, sida meelo ka mid ah Brazil. Nidaamkani waxa uu ka mid yahay nidaammadii dhaqaale kan ugu hooseeyay ama ugu liitay. (ancient type of economy).
2: Hanti-goosi (capitalism/ free market economy).

Waa nidaam dhaqaale, kaas oo aanay dawladdu wax faragalin ah ku lahayn, wax walbana waxa ay ku jiraan gacanta shacabka. Falsadda uu ku taagan yahay hanti-goosigu ayaa ah in qof walba uu hantidiisa gaarka ah u madax bannaan yahay waxa uu rabanna soosaari karo iibina karo. Nidaamkani faa’iidooyinkiisa waxaa ka mid ah: Tartanka suuqa iyo sicirka (competition). Nidaamkan raggii hormuudka u ahaa waxaa ka mid ah: Adem smith oo ladhihi karo waa aasaasihii madarasaddan dhaqaale. Nidaamkan waddamada qaatay waxaa ka mid ah: Germany, The United Kingdom iyo Japan
3: Hantiwadaag (command system):

Hantiwadaaggu waa nidaam dhaqaale kaas oo liddi ku ah hanti-goosiga, waa nidaam dhaqaale, kaas oo ay dawladdu gacanta ku hayso suuqa (government intervention), Nidaamkani waxa uu aad uga soo horjeeday in bulshadu noqoto dabaqaad, qayb qani ah iyo qayb faqiir ah, Nidaamkan waxaa horjooge u ahaa Karl Marx oo ahaa faylasuuf dhaqaalaha fikrado badan kulahaa iyo siyaasadda, Vladimir Lenin oo Marx kaddib sii faafiyay nidaamkan, Marx waxa uu aad ula dagaallamay nidaamkii ka horreeyay ee hanti-goosiga. Nidaamkani waxa u uku wanaagsanaa waxaa ka mid ah in uu kasoo horjeeday dabaqaadka bulshada iyo in shaqaalaha lagu xadgudbo. Marx waxa uu dagaal adag lagalay dabaqada (Bourgeoisie) dabaqadda jeebka wayn. Nidaamkan waddamadii ugu horreeyay ee qaatay waxaa ka mid ahaa waddanka Russia, China iyo Cuba.
4: Mixed economic system:
Waa nidaam isku dhafan oo ka koobban labadii nidaam ee aynu kor ku xusnay, nidaamkani waxa uu dhinac ka yahay hanti-goosi dhinacna hantiwadaag oo labada nidaam midba dhinaca uu ku wacan yahay ayuu ka soo qaatay. Tusaale xilliga busaarada iyo xaaladaha dhaqaale (economy slowdowns) ay jiraan dawladdu waxa ay farigalin ku samaynaysaa suuqa, iyada oo shirkadaha waaweyn siinaysa taageero si aanay suuqa uga bixin (corporate bailouts). Nidaamkani waxyaabaha uu ku wacan yahay waxaa ka mid ah: in uu dhinac ka yahay public sector dhinacna private. Dhaqaalaha adduunka maantu inta badan waxa uu ku shaqeeyaa nidaamkan isku dhafan (Mixed economy)
5: Dhaqaalaha Islaamka (Islamic economics):

Dhaqaalaha islaamku waa nidaam dhaqaale, kaas oo ah mid ka dhinbiil qaata diinta Islaamka ee uu seeska u yahay qur’aanka kariimka ah iyo sunnada Rasullka SCW, nidaamkani waa kan ugu wanaagsan nidaamyada dhaqaale ee dhaqaalaha adduunku ku shaqeeyo, sababta oo ah waxa uu leeyahay sees adag oo ka duwan dhammaan nidaamyada dhaqaale ee jira, dhaqaalaha reer galbeedku waa mid ku dhisan fikir iyo mala’awaal, halka dhaqaalaha islaamku uu yahay mid ku dhisan caqiido.
Dhaqaalaha islaamku waxaa jira dhinacyo badan oo uu kaga duwan yahay dhammaan nidaamyada dhaqaale oo kale, kuwaas oo ah: In dhaqaalaha Islaamku uu yahay mid leh sees iyo tiiirar sugan oo uu ku taagan yahay. Waxa kale oo dhaqaalaha islaamku kaga soocan yahay nidaamyada dhaqaale ee kale waa in uu leeyahay tiirar akhlaaqiya, khasaa’istiiisa waxaa ka id ah in uu ku dhisan yahay akhlaaq (Ethicality) halka dhaqaalaha reer Galbeedku aanu taas u aabbo-yeelin.
Falsafadda oo ku dhisanyahay dhaqaalaha Islaamku waa falaax adduun iyo mid aakhiro, halka aanay dhammaan nidaamyada dhaqaale xeerinayn dhinaca aakhiro, balse un ujeedkoodu yahay barwaaqo sooran dhanka adduunka ah. Dhammaad.
References:
Qoraa:
Abdirahmaan Abdisamed.