market structures

Qaababka suuqa (market structures)

Dhaqaalayahannadu markii ay darseen dabeecadaha suuqyada (market structures) waxa ay suuqyada ukala saareen afar nooc (Four types), kuwaas oo kala ah :

  1. Perefect competition.
  2. Monoplistic competition. 
  3. Oligopoly. 
  4. Monopoly.

Afartan nooc, mid ahaan ayuu noqon karaa suuqu, waxa aynu xusi doonnaa tilmaaha mid kasta oo ka mid ah afartan suuq iyo waxyaabaha keenaya (Determinants of market structures). Waxa aynu ku horrayn doonnaa nooca koowaad

1. Prefect competion

market structures

Suuqan haddii aynu si fudud u qeexno waxa aynu ku qeexi karnaa in uu yahay suuq uu ka jiro tartan sax ah, kaas oo ay jiraan shirkado badan oo iibinaya badeecado isku mid ah (identical product), haystana macamiil badan oo ay wax ka iibiyaan.

Suuqan waxyaabaha uu ku wacan yahay waxaa ka mid ah:

  1. in si fudud loo geli karo (no restrictions on entry).
  2. Bulshadu waxa ay helaysaa xorriyad ay meesha ay rabaan wax kaga iibsadaan.

Suuqyada noocan ah waxaa ka mid ah shirkaddaha ka shaqeeya soodejinta bagaashka, iyo agabka dhismaha.

2. Monoplistic competition

Waa suuq ay ku tartamayaan shirkado badan (large number of firms compete), shirkad kasta oo suuqan ku jirtaa waxa ay soosaartaa badeecad ka duwan ta ay shikradda kale hayso, suuqani waxa uu kaga duwan yahay kii hore, in ay dhammaan shirkaduhu ku tartamayaan tayada badeecadaha (product quality) sicirka (price) iyo suuqgaynta (marketing), halka prefect competition-ka lagu tartamayay kaliya sicirka ay badeecadaha suuqaas yaalla yihiin.

Suuqan waxaa tusaale u noqon kara: Shirkaddaha Computrs-ka, agabka sports-ka iyo dharka. 

3. Oligopoly

Kelmaddani asal ahaan waa Greek, balse waxa ay ka dhigan tahay un in uu suuqani yahay suuq ay ku tartamayaan shirkaddo koobban (few numbers of firms) oo aan ka badnayn ilaa 5 shirkadood, shirkadaha noocan ahi waxa ay isku leeyihiin saamayn, tusaale haddii ay midkood qiimaha kor uqaado waxa ay saamayn shirkadda kale. Tusaale waxa aynu ka dhigi karnaa: shirkadaha Diyaaradaha iyo warshadaha biyaha. 

Suuqana tilmaamihiisa waxaa ka mid ah ( key characteristics of oligopoly market):

  1. Waxaa jira shuruuc ama ogolaanshiyo si aad u gasho ama uga baxdo suuqan.
  2. Shirkadaha ku tartamayaa suuqan waa tiro yar, sidoo kale shirkadaha suuqan ku jiraa waa kuwo isku xidhan ama saamayn isku leh (interdependent). 

Ugu danbayn waxa aynu eegi doonnaa nooca ugu danbeeya.

4. Monopoly

Waa suuq ay haysato hal shirkad (single firm) taas oo soosaaraysa badeecadaha iyo adeegyada oo aanay jirin cid kale oo soosaarta badeecadaha ay hayso (no substitute). 

Suuqan tilmaamihiisa waxaa ka mid ah :

  1. In aanay jirin cid kale oo suuqa kula tartantaa.
  2. In ay jiraan caqabado diidaya in ay shirkado kale galaan suuuqa (Barrier to entery). Suuqan waxaa tusaale u ah Shirkadda Microsoft iyo DeBeers .

Dhammaad

Tixraacyadda qormadda:
  •  Microeconomics: Bade Parkin.

Qoraa: Abdirahman Abdisamed.

Leave a Reply

error: Lama ogola !!