
Tilmaamaha Ardayga Guulaystay.
Qore: C/raxmaan Axmed G.soofe.
Baahinta: Hiil Press.
Daabacaddii labaad.
Buugga: Tilmaamaha ardayga guulaystay, waa buug yare waxtar wayn u leh ardayda waxbarata, heer walba oo ay joogaan.
Waa buug ardayga tusaya kuna hagaya waddadii uu guusha ku hanan lahaa iyo dariiqii uu u mari lahaa.
Sidoo kale waxa uu buuggani tilmaan wanaagsan ka bixinaa ahmiyadda cilmiga iyo aqoontu ay u leedahay Aadanaha, iyo foolxumada jahliga iyo qofka jaahilka ah.
TILMAAMAHA ARDAYGA GUULAYSTAY.
waxa uu qoraagu inoo sheegayaa labaatan iyo dhawr tilmaamood oo ay tahay ardaygu in uu raaco si uu u noqdo arday guulaystay, oo waxbarashada ka gaadha heer wanaagsan.
Waxa uuna ku bilaabayaa tilmaamahaas:
- Daacadnimo.
- Cilmi ku dhaqan.
- Waqti qorshayn.
- Alle ka cabsi.
- Macaasi ka fogaansho.
- Ixtiraama macallimiinta
- Xidhiidh la leh macallimiintiisa.
- Dulqaadasho.
- Wax akhrin
- Hansare.
- Dedaal
- Talo qaadasho.
- Boosaska hore fadhiista.
- Firfircooni.
- Qaddariya bulshada.
- : Nadaafad badan
- Aan jarjarin.
- Joogteeya waxbarashada.
- Alle barya.
- Baarri u ah Waalidkiis.
- Aan isla waynayn.
- Wax xifdin.
- Gaadhsiiya cilmiga dad kale.

QAABKA LOO MAAREEYO IMTIXAANNADA.
- Ilaahay oo kaalmo la waydiisto.
- Seexashada habeenkii xilli hore, si loo soo koco subixii xilli hore.
- Diyaarsashada agabkii imtixaanka oo dhan.
- Waa in uu soo ducaysto marka uu guriga kasoo baxayo.
- Waa in uu iska ilaaliyaa qishka.
- Fadhiisashada boos wanaagsan.
- Bisinka qabso marka lagu soo hordhigo imtixaanka.
- Inta aanad ka shaqayn, wada akhri imtixaanka oo dhan.
- ku bilaw su’aalaha aad jawaabohooda garanayso.
- Haddii jawaabaha qaar kugu adkaadaan Alle waydiiso in uu kuu fududeeyo.
- ka fiirso jawaabaha.
- Haddii ay jaawaabuhu yihiin (ka dooro), aad ugu fiirso midda aad dooranaysid.
- Marka aad imtixaanka dhammayso, dib u akhri dhammaantii.
- Wax niyad-jab ah yaanay kugu ridin haddii aad dib ka ogaatid jawaabo aad si khaldan uga jawaabtay.

WAAJIBAADKA KA SAARAN ARDAYGA DIINTA, DADKA IYO DALKA.
- Waa in uu ardaygu gaadhsiiyaa cilmiga dad kale.
- Waa in uu cilmigiisa ku difaaco Islaamka, uguna hiiliyo waddada xaqa ah.
- Waa in uu bulshadiisa ka wacyi geliyaa caadooyinka xunxun.
- Waa in uu ka sheqeeyaa isu keenista, iskaashiga iyo in ay dadku wada noolaadaan.
- Waa in uu isku dayo in uu ummadda hoggaamiyo, si uu waddada saxda ah ugu rido.
- Waxa uu qofka aqoonta lihi mas’uul ka yahay ilaalinta taariikhda ummadiisa iyo ta muslimiintaba.
- Waxa uu aqoonyahanku ka ilaaliyaa ummaddiisa in ay qaadato dhaqan kale oo aan ku habboonayn.
- Ardaygu waa aqoonyahanka ummadda.
- Ardaygu waxa uu ummadda dareensiiyaa wixii dhib ah ee jira.
- Aqoonyahanku waa qofka ay ummaddiisu hiigsato.
WADDOOYINKA LAGU KASBADO HIIGSIGA SARE.
- In uu qofku hagaajiyo xidhiidhka uu Ilaahay la leeyahay.
- Taariikhda dadkii hore oo la akhriyo
- In lala saaxiibo dadka hiigsiga sare leh.
- Waqtiga oo la qorsheeyo.
- Ka dheeraanshaha wax kasta oo hoos kuu dhigaya.
- Shaqda oo uu qofku joogteeyo.

FURAYAASHA GUUSHA.
- Rumaynta Ilaahay.
- In hadaf la yeesho.
- Go’aan.
- Dulqaad.
- Nidaaminta waqtiga.
- Kalsooni.
- Shaqo joogto ah.

CAADOOYINKA LAGU GAADHO GUUSHA.
- Qofka oo naftiisa fahma.
- In la yeesho hadaf gaar ah.
- Waqtiga oo la nidaamiyo.
- Dadka oo si wanaagsan loola dhaqmo.
- In dadka kale khayr lala jeclaado.
- In la samaysto koox kula shaqaysa.
- Nafta oo la cusboonaysiiyo.

MAXAA KAA HOR TAAGAN IN AAD GUUSHA GAADHID.
- Dayicidda Salaadda.
- Nafta oo been loo sheego.
- In waqtiga lagu lumiyo saaxiibbada xunxun.
- In aad ka cararto dhibaatada ku hortaalla.
- In lagu mashquulo ceebaha dadka kale.
- In aad xaasid noqotid.
- In aad dareentid caajis.
- In aad ka baqdo in aad khalad ku dhacdo.
- In aanad naftaada ku kalsoonaan.
- In aad ku mashquusho wax horay u dhacay.
Intaa kaddib qoraagu waxa uu soo qaadanayaa qaar ka ka mid ah dadkii guusha hantay, oo aan ka xusi karno.
- Nebi Muxammed SCW.
- Imamu Bukhaari.
- Ibnu Taymiya.
- Maxamed ibnu abii Caamir Iyo kuwo kale..
Ticraac
DHAMMAAD.
MAHADSANIDIN.
Halkan ka degso buuga Tilmaamaha ardayga guulaystay
Digniin!
Xuquuqda buugga waxaa iska leh qoraagga buugga. Lama ogola in buuggan laga bedelo qaabka uu asteeyey qoraagga buuggu, sidoo kale lama daabici karo iyada oo aan ogolaansho laga haysan qoraha buugga, qofkii damca inuu koobiyeysto buuggan si uu uga faa’idaysto wuu u fasaxan yahay haddii uu san waxba ka bedelin.