Eraygani asal ahaan waa eray Giriig ah, kaas oo ka yimi kelmadda economos, taas oo macnaheedu yahay cidda guriga maamusha (one who manages household), sababta sidaas loo yidhina waxa weeye, in dhaqaaluhu u baahan yahay maamul sida shaqada guriguba ugu baahan tahay maamulid.
Dhaqaaluhu waxa uu ka mid yahay cilmiyada adduunka ugu da’da yar (economic science is young) waxa uu jiraa qiyaastii 200 oo sano, ciddii u horraysay ee cilmigan ka hadashay waxa uu ahaa Faylasuufkii dhaqaalaha ee Adam Smith, waa qoraaga buuggii u horreeyay ee dhaqaale laga qoro, waxaana lagu magacaabaa: Hantida qarammada (The wealth of nations), buuggan waxaa la qoray taariikhdu markii ay ahayd 1776-dii. xilligaas dhaqaaluhu waxa uu ahaa cilmi ku dhex filiqsan culuumta kale sida: Qaanuunka, Falsafadda iyo cilmi-nafsiga.

Dhaqaaluhu waa arrin xaqiiqo ah oo nolosheenna toos ula xidhiidha (a fundamental fact), waa wax aynnu toos maalin walba u aragno xaqiiqada dhaqaaluhu, tusaale: qof kastaa waxa uu doonayaa waxa uu heli karo wax ka badan (we want more than we can get), kasoo qaad in aad u baahan tahay in aad gasho jaamacadda ugu wacan, inaad dhisato guri ka u qaalisan, in aad gadato gaadhi ka u qaalisana, haddana awoodda aynu ku rabnno waxaas oo dhani waa mid xaddidan (our ability to get everything we want is limited) sidaa awgeed waxa aynu waajahaynaa dhibaato dhaqaale (scarcity) oo aynu uga jeedno baahideenna oo aan xaddidnayn (unlimited wants) iyo waxay anu haysanno oo aan inagu filnayn (scarce of resources). Xaaladdani waa mid caalami ah oo xataa Xaywaanku waajahaan oo waa inagga aragna marka aynu cunno yar u tuurno sida ay isugu laayaan.
Haddaba aynu qeexno dhaqaalaha. Dhaqaalaha waxaa lagu qeexaa in uu yahay Cilmi-bulsho kaas oo lagu barto sida ay shakhsiyaadka, ganacsiyada, Dawladda iyo bulshadu u sameeyaan doorasho (choices), haddii waxa aynu haysanaa aanay inoo jarayn wax kasta oo aynu u baahanahay waa in aynu dooranaa waxa aynu awoodno. tusaale: haddii aaynnu u baahanahay gaadhi, guri iyo diyaarad oo aynaan awoodayn in aynnu saddexdaba iibsanno waa in aynu samaynaa doorasho, sidaa awgeed mararka qaar ayaa dhaqaalaha lagu magacaabaa cilmiga doorshada (the science of choice).
Haddii rabbi idmo waxaan toddobaad walba halkan kusoo gudbin doonaa hal qormo oo ku saabsan cilmiga dhaqaalaha, si ay uga faa’iideystaan Ardyadda barata cilmigan, wax badana ka ogaadaan qodobada ugu muhiimsan ee uu cilmigani ku saabsan yahay. Ujeedka labaad ee qormooyinkan ayaa ah in ay koobban yihiin buuggaagta ku qoran luuqadeenna ee ku saabsan dhaqaalaha.