Xirfadaha casrigan iyo baahida ay u qabaan Ardaydu.

Hordhac:

Waxaa jira warbixino badan oo caalami ah, kuwaas oo sheegaya heerka waxbarasho ee Adduunka iyo sida ay waddamadu u kala waxbarasho duwan yihiin. Warbixintan ayaa ku dhisan daraasad cilmiyeed sax ah, si loo helo aragti guud oo ku saabsan guud ahaan waxbarashada Adduunka oo dhan. ujeedka arrintaas ayaa ahaa tayaynta waxbarashada, samaynta nidaamyo waxbarasho oo caalami ah iyo in la ogaado meelaha ay waxbarashadu ka liidato.

innaga waxbarashadeennu waxa ay leedahay daldaloolo badan oo ay ka mid yihiin:

1. Tiknoolajiyadda:

Waxbarashadeenna hoose malaha maadooyin (courses) dhanka tignoolajiyada ah oo ardayga lagaga dhiso aasaaska tignoolajiyada si ay hadhaw ugu fududaato fahanka tignoolajiyaddu waxaa habboon in la helo maadooyin dhinacaa ka dhisaya Ardayda.

2. Luuqadaha

Danayn la’aanta luuqadaha ay ku qoran tahay aqoontu waa mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee haysta ardayda soomaaliyeed arrintan waxa loo yaqaanaa caqabadda luuqadda (language barrier).

Inta badan aqoontu waxa ay ku qoran tahay luuqado ajinabi ah kuwaas oo aanay ardaydeenu inta badan aqoon durugsan u lahayn, luuqaddu waa fure muhiim ah kaas oo inoo fududaynaya in aynu aqoonta ila kala duwan ka doonano.

Dhanka barashada luuqadaha ay aqoontu ku qoran tahay dadkeenu inta badan ma daneeyaan, taasi wax ay sababtaa in dadka waddamada dibada aqoonta u doontaa ay la kulmaan caqabad dhanka luuqadda ah.

Waxaa jira arday aqoon u doontay waddamo carbeed sida: Sucuudiga, Masar, Yemen iyo Suudaan dhammaantood marka aad waraysto waxa ay kuu sheegayaan in ay la kulmeen caqabad danka luuqada ah.

Sidaas si lamid ah waxa jira arday kale oo waxbarasho u doontay waddamo ay ka mid yihiin Uganda, India, Malaysia iyo Turkey laftooda marka aad waraysato waxay cabasho ka muujinayaan caqabado la xiriira luuqadda oo ay la kulmeen.

3. Isdhexgalka tignoolajiyadda iyo nidaamyada waxbarashada oo aad u hooseeya.

Adduunku waxuu u jihaystya dhanka tiknoolajiyadda, innaga oo taas ka duulayna waxaa habboon carruurteena inta ay waxbarashada hoose ku jiraan in aynu ka dhisno tiknoolajiyadda si ay uga faaideystaan fursadaha shaqo-waxbarasho ee tiknoolajiyadda ku duugan.

Dhanka kale waxaa jira waddamo badan oo ay aad u diyaarsan yihiin nidaamaydooda waxbrasho, sida waddamada ku yaalla Qaarada Yururb iyo bariga Aasiya. Kuwaas oo aynu tusaale uga dhigan karno Turkey iyo Kuuriyada Koonfureed. Haddaba waxa aan si kooban kuula wadaagayaa xirfadaha ugu muhiimsan ee ay Ardaydu u baahan yihiin si ay u ula jaanqaadaan isbeddelada ka jira suuqa caalamiga, xirfadahan waxaa ugu muhiimsan:

1. Hoggaaminta (leadership).

Waxaa lagu qeexi karaa habka dadka loo saameeyo laguna jiheeyo si loo gaadho ujeed loo dhan yahay. Hoggaamintu waa xirfad aad u muhiim ah taas oo u ogolaanaysa qofka in uu noqdo mid saamayn leh, go’aanno wanaagsana qaadan kara, haddii uu ardaygu intaas yeesho waxa uu jihayn karaa bulashadiisa iyo asxaabtiisa.

2. Xallinta dhibaatooyinka (problem solving):

Waa in aynu kobcinaa awoodaha Ardayga, si uu u xaliyo dhibaatooyinka kala duwan ee uu nolosha la kulmi doono.

Xallinta dhibaatooyinku Marka aynu xallinayno dhibaato waxaa habboon in aynu qaadno tallaabooyinkan:

  • Waa in aynu aqoonsannaa dhibtaada jirta ugu horrayn.
  • Baro farsamooyin gaar ah oo kaa caawinaya xallinta dhibaatooyinka.
  • Raadi xalal badan oo kala duwan.
  • Marka aad soo aruuriso dhammaan xalalka, dooro ka ugu sii wanaagsan.
  • Si habboon u maamul hirgelinta xalalka.

Tallaabooyunkani waa kuwo mudan in la qaado marka aynu dhibaato xalinayno ama arrimo kale saxayno.

 

3. xidhiidhka (Communication skill).

Xidhiidhku waa habka gudbinta fikradaha, khibradaha iyo isdhaafsiga aqoonta iyo dareenka u dhexeeya shakhsiyaadka iyo kooxaha. Si xidhiidhkeenu u noqdo mid xeeldheer waxaa waajib ah in la ilaaliyo tiirarka u uku taagan yahay xidhiidhku, arrintaasi waxa ay sahlaysaa is fahanka labada qof ee wada xidhiidhaya. Waa in aynu Ardayda ka dhisnaa dhinac la xidhiidhka bulshada si ay u noqdaan kuwo qaadi kara farriimo, una gudbin kara cid kale.

4. hal abuur ganacsi. (Entrepreneurship).

Ardaydeenu waxa ay Jaamacadaha dhammeeyaan iyaga oo ka fekaraya yaa shaqo ku siin doona! Laakiin kama fakeraan in ay wax curiyaan oo ay suuqa la yimaadaan fikrado ganacsi, kuwaas oo ay ka gadan karaa ama kula shuraakoobi karaan suuqyadeeena ganacsi. Taas waxaa keenaysa in aanu ardaygu helin wax tabobar ah ama aqoon ah oo ku saabsan hal abuurka ganacsiga iyo curinta fikradaha ganacsi. 

5. Naqshadaynta sawirada (graphic design).

waa hab hal abuur leh oo ay fuliyaan naqshadeeye ama koox naqshadeeyayaal ah oo ku saleysan codsiga macmiilka ka yimaada, waa xirfada barashadeedu aad u fududahay faa’iido aad u weyna u leh ardayda iyo qof kasta oo raba in uu yeesho xirfad u uku shaqaysto.

Gunaanad.

Qormadan waxaan kusoo gunaanadayaa, xilligan aynu ku jirnaa waa xilligii xirfadaha iyo tignoolajiayada, qofka xirfada leh ma noqdo shaqo la’aan, sidaas awgeed waxaa marwalba mudan in aynu xoogga saarno kobcinta xirfadaha ardaydu u baahan yihiin. Haddii aanu ardaygu lahayn xirfad u uku xoogsado wax badan kama duwanaanayo dadka suuqa ku shaqo la’aanta ah ee aan lahayn xirfad ay ku shaqaystaan. Waxaa jira xirfado badan oo ay tahay ardaygu in uu barto, balse waxa aan qormadan ku xusay inta aan u arkay in ay muhiim u tahay ardyda ku jirta waxbarashada, gaar ahaan waxbarashada hoose. Dhammaad.

Leave a Reply

error: Lama ogola !!