Ardayad soomaaliyeed oo muraajacaynaysa imtixaanka

10 Arrimood Oo Ardayga U Horseeda Inuu Imtixaanka Ku Guulaysto Q. 1aad

Hordhac

Sannad dugsiyeed kasta ugu yaraan afar imtixaan oo kala duwan ayuu ardaygu u fariistaa, culeys werwer iyo isku buuq badan ayaa la soo dersa tiro badan oo ardeyda ka mid ah wakhtiyada imtixaanka.

Soo noqnoqoshada sannadlaha ah ee imtixaanka waa in laga dhaxlaa khibrad suurta gelisa in si sahal ah oo Deganaani ku Jirto loo wajaho weydiimaha, iyada oo laga fogaanayo nooc walba oo cabsi iyo werwer ah.

Haddaba si aad kor ugu qaaddo fursadahaaga guusha waa in aad is bedel muuqda ku samaysaa niyadda (mooraalka) aad imtixaanka ku qaabilaysid, habka aad u wax u akhrisanaysid, iyo wixi aad akhrisatay sida aad u xusuusaneysid intaba.

Halkan waxaan kuugu soo gudbinaynaa ardayoow 10 arrimood oo kuu horseedi doona in aad imtixaanka guul ka gaarto:

1. Hore u bilow

Aqrinta casharada hore u bilow si aad u heshid wakhti kugu filan oo aad ku daboosho dhammaan cutubyada ay ka koobanyihiin maadooyinka kala duwan.

2. Samayso qorshe muraajaco

Badanaa ardaydu Waxay Wakhtiga ku lumiyaan buuggaagta/maaddooyinka Fuddud ee ay Jecelyihiin, waxayna meel isaga tiiriyaan buugaagta ku adag ee anay fahmin.

Arday soomaaliyeed oo fiirinaya jadwalka ama qorshihiisa wax aqris

Diyaarso qorshe muraajaco oo koobsanaya dhammaan maadooyinka aad imtixaanka ku galayso, xiisaduhu malaha culays siman sidaas dareteed waa muhim inaad maaddo kasta u qoondayso waqti ku filan.

3. Qaado nasasho

Qaado nasiyo inta u dhaxaysa fadhiyada wax aqriska si aad uga badbaaddo daalka maskaxda iyo gubashada nafta.

4. Ku tabobaro imtixaanadii hore

Ku carbi naftaada imtixaannada la qaaday sannadihii hore si aad fikrad uga hesho qaabka imtixaanka iyo noocyada su’aalaha lagu weydiin karo.

Nasiib wanaag Som-Exams waa kaydka imtixaan ee ugu wayn geyiga soomaalida, waxaadna ka helaysaa imtixaannada shahaadiga ah ee Puntland, Somaliland, iyo dawladda federalka ah.

5. Caado ka dhigo muraajacada

Ardayad soomaaliyeed oo imtixaanka diyaarinaysa

Si joogto ah u dib u eegis ugu samee casharada aad qaadato; si aanad u iloobin waxa aad baratay. soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “cashar & cadba waa la yaraystaa” isku mid ma aha ardayga cashar walba maalintiisa aqriya, iyo midka maalinta imtixaanka isku qaada casharo la soo dhiganayay ugu yaraan 5 bilood.

6. Noqo qof nidaamsan

Ka dhig buugaagtaada waxbarashada iyo waraaaqahaaga khulaasada kuwo habaysan oo kuu fududayn kara in aad dhib la’aan ku heshid xogta aad rabto.

7. Hurdo kugu filan seexo

Hurdadu nasniino ma siiso jirka oo keli ah, maskaxda waxay ka caawisaa in ay macluumaadka muhimka ah u gudbiso qaybta fog ee xasuusta, marka aad heshid hurdo kugu filan waxaad noqonaysaa qof jooga heerkiisii ugu sarreeyay dhinacyada dareenka iyo fahamka.

8. Ka fogow waxyaalaha mashquulinaya

Iska xaree moobeelka marka uu soo dhowaado imtixaanka, una sheeg qoyskaaga iyo asxaabtaada inaysan ku dhibin inta lagu jiro xilliga muraajacada, mar walba oo aad yarayso waxyaabaha ku mashquulinaya foojignaantaada iyo fahamkaaga ayaa sare u kacaya.

Ardayad soomaaliyeed oo imtixaanka diyaarinaysa

9. Hel cunto & cabitaan kugu filan

Xilliyada muraajacada ardaygu wuxuu bixiyaa dedaal badan sidaas darted waxa daruuri ah in aad isticmaasho cunto isu dheeli tiran si aad u hesho tamar kugu filan.

75% maskaxda aadanuhu waxay ka samaysantahay biyo, cabitaanka biyuhu waxay maskaxda ka ilaaliyaan daalka degdega ah, waxayna xoojiyaan shaqooyinka caqliga sida fahmada iyo xasuusta.

10. Ha walwalin

Naftaada ka saar walwalka iyo cabsida una sheeg in aad ka soo gudubtay tobanaan imtixaan, oo aad leedahay khibrad iyo aqoon kugu filan.

Dedaal kasta oo aad bixiso waxa imaan karta natiijo ka beddelan middii aad rajaynaysay, ogoow Jawaabaha qaldan iyo dhicitaanku kama dhigna dhammaadka nolosha.

Tixraaca qormada

Leave a Reply

error: Lama ogola !!