School building

Hal-abuurka iyo dib u cusboonaynta nidaamka wax barashada Q1aad

Hordhac

Waxa hubaal ah in aadanuhu keli, iyo wadarba uu u baahanyahay isbedel iyo cusayb joogto ah in uu sameeyo, isbedelkaas oo hadii aanu marba marka ka danbaysa samayn uu hiif, iyo nacayb naftiisa u qaadayo, raali ahaanshaha nafsadiisuna aanay suuroobeyn, haddaba taas waxa la mid ah isbedelka ku dhacaya nidaamyada nololeed ee aadamaha, oo uu ka mid yahay nidaamka  barid/barbaarineed (waxbarshada), kaas oo qofka iyo bulshadaba ku haga sidii uu uga faa’iidaysan lahaa deegaan nololeedkiisa dad iyo dabeecadba. bulshada nidaamkeeda waxbarasho uu si wanaagsan uga jawaabayo baahiyaheeda kala duwan waxa ay ku naalootaa isudheeli tirnaan nololeed.

Hadaba waxa aan dhambaalkeennan kusoo qaadan doonaa mawduuca “Hal abuurka, iyo dib u cusboonaynta nidaamka wax barashada”, inaga oo is dul taagi doona shantaan qodob ee asaasiga ah:

Lafo gurka qodobadan kuma filna hal qormo; sidaas darteed waxaynu kaga hadli doonaa labo maqaal oo is xiga, haddii allaha awoodda lihi ogolaado.

Nidaamka waxbarasho iyo sifihiisa

Teacher & Students

Sida la ogyahay aadanuhu waa iskunoole aan kala maarmin, (كائن اجتماعي), qof kamid ahina aanu inta kale ka maarmin, sidoo kale ku dhex nool gibilka Rabbi sameega ah dabeecada (dhulka, cirka, buuraha iwm). hadaba si uu u noolaado aadamuhu waxa uu ubaahanyahay xeerar tartiibsan oo haga la dhaqankiisa deegaanka (dad iyo dabeecadba) si uu uga faa’iidaysto qaab dan u ah isaga iyo naflaha kaleba, oo ka dheer dhibaato dhinac kasta. 

Nidaamka barbaarinta (Education, التربية) oo adeegyadiisa ay ka mid tahay waxbarashadu, waxa uu ka dhiganyahay xeerkaas aadanaha ku hagaya siduu ula fal geli lahaa deegaanka (dad iyo dabeecadba) sidoo kalena u toosin lahaa habdhaqankiisa. 

Barbaarinta macnaheeda waxa laga dheehan karaa qeexitaanada ay u sameeyeen culimada barbaarintu, sida imaamkii Abuu xaamid Al-qazaali (caalim muslim ah) wax uu ku qeexay barbaarinta: waa waxa kala saara aadanaha iyo xayawaanka intiisa kale, ama waa dhabaha loo maro in aadanuhu ka hinqado heerkii xayawaannimo una hinqado aadanenimo taasoo geysa nolol uu raali ka yahay(السعادة). John Dewey oo ahaa faylasoof hogaanka uqabtay nidaamka barbaarinta ee Maraykanka QR 20aad, ayaa isna ku qeexay: barbaarintu waa u diyaar garawga nolosha, taasoo ka dhigan hadaan nidaam barbaarineed jirin inaan nololi jirin.

barbaarintu waxa ay casrigan isu furanka (عصر العولمة) yeelatay wejiyo ka duwan waqti kasta oo hore, waxa ayna nidaamyada barbaarintu yeesheen  isku dhoonno tirabadan oo culayskooda leh, waxa ay isa saamayn buuxda la yeelanayaan nidaamyada siyaasadeed, dhaqan iyo dhaqaale ee dalka, waxaana nidaamyadaas oo dhan wada hagaysa falsafad guud iyo aragtida dalka ama dadkiisu leeyihiin. Waxbarashaduna waxa ay ka dhigantahay kanaalka ay barbaarintu u marayso jiilka loogu talagalay ku dhaqangelinta falsafadda nololeed.

Cusboonaynta nidaamka waxbarasho iyo ujeedka laga

Sida aadanaha isbedelka joogtada ahi ugu socdo, ee aanu meel qudha ugu negaan ayaa ay nidaamyada noloshiisuna isu bedelaan, marba marka ka danbaysana xaddiga isbedel waa uu kordhayaa. waxbarashadu waxa ay safka hore kaga jirtaa meelaha isbedelku saamaynayo kana dhalanayo, taas oo keenaysa in hal abuur joogto ah iyo cusboonaysiin ay ku socoto nidaamka waxbarashada. Meelaha isbedelka iyo hal abuurku kaga dhacayo nidaamka waxbarashada waxa ka mid ah, Falsafadda guud ee barbaarinta, ujeedooyinka heerarka waxbarashada, maadada cilmiga ah/aqoonta, hawl-karnimada (efficiency) iyo heerka macalinka, maamulka goobaha waxbarashada iyo habraacyada qiimaynta waxbarashada. Markasta oo hal-abuur iyo cusboonaysiin joogto ahi ku socoto laamahaas kala duwan ee nidaamka waxbarashada waa mar kasta oo lahelo midha dhal uu ku tanaado aadanuhu. 

Ujeedooyinka cusboonaynta nidaamka waxbarasho waxa ay ku xidhanyihiin hamiga iyo doonista bulshada dal ku nool iyo sidoo kale falsafaddooda nolosha, waxaana ujeedooyinkaas ka mid noqon kara:

  1. In cusboonaynta ujeedkeedu yahay horumarin laga sameeyo dalka; hadaan hal-abuur joogto ahi jirinna horumar lama samayn karo
  2. In cusboonaynta ujeedkeedu yahay adkaynta muwaadinnimada bulshada, waxbarashadu waa warshadda soo saarta muwaadin (qof) haboon oo u qalma ku noolaanshaha dalka iyo wax tarta dadka.
  3. Cusboonaynta ujeedkeedu inuu yahay tabobarka, iyo samaynta dhaqanka shaqo wax soo saar leh, shaqadu waa habdhaqan u baahan in la curfiyeeyo oo bulshadu wada aaminto.
  4. In cusboonaynta ujeedkeedu yahay wax kabedelka xidhiidhada bulshadu isla leedahay, iyo kuwa ay bulshooyinka kale la leedahay, taasoo keenaysa in bulshadu wax gaar u ah ay ilaashato.

sababaha keena cusboonaysiinta nidaamka waxbarasho

Somali Students

Waxa jira sababo dhawr ah oo keena in wax ka beddel ku lagu sameeyo nidaamka waxbarasho ee dal ama bulsho leedahay, waxaynu ka xusi karnaa sababahaas kuwan soo socda:

  • Is bedelka nidaamka siyaasadeed ee dalkaas, kaasoo saamayn awood leh ku yeesha nidaamka tacliimeed, sababta oo ah tacliintu waa kanaalka afkaarta loo mariyo jiilasha dal ku nool, sidaa awgeed baa isbedel dhici karaa haddii nidaamka siyaasadda ee horay u jirey mid ka bedelan uu yimaado, afkaar gaar ahna uu wato, tusaale ahaan isbedelka nidaam keligii talis ah iyo mid dimuqraadi ah, nidaam dhidib diimeed ka dhaqaaqaya iyo nidaam calmaani ah iwm.
  • Baahiyaha bulshada iyo suuqyada shaqada, sida korodhka shaqo la’aanta, sicir bararka, dhifnimada ilaha dhaqaalaha iyo maalgashiga isha awoodda bulshada . 

Fg: haddii aan nidaamka tacliimeed xal u helin dhibaatooyinka bushada waxa ay ka dhigantahay in uu isagu dhibka qayb ka yahay, tacliin aan baahi daboolinna faa’iido maleh.

  • Khataro kusoo kordha nolosha bulshada, sida iskaashi la’aanta, kutumashada danta guud, samaysanka dabaqadaha/kalasaraynta, qabyaalada, amni darada, liica muwaadinnimada iyo ka haajirida dhulka hooyo.
  • Dhaqamo soo galooti ah, sida ku xad gudubka akhlaaqda, diinta iyo madhaafaanka bushada. Tusaale ayaa aynu ka soo qaadi karnaa baraha bulshada iyo sida ay saamaynta ugu yeesheen da’yarta soomaalida maanta, oo wax badan oo laga xishoon jirey aan ka sariiganayn, goobaha waxbarashadeenuna  aanay qorshe cad ka lahayn.
  • Soo ifbixida duruuf bulsho iyo ka jawaabideeda, sida in loo sinnaado wax barashada, ka qayb gelinta tacliinta dumarka iwm, taasoo keenaysa in la diyaariyo adeegyo dheerad ah.
  • Dhaliisha isdaba jooga ah ee ka timaada isgaadhsiinta, waalidiinta ubadka waxbarta, shirkadaha waxsoosaarka, iyo ururada shaqaalaysiinta iwm.
  • Taranka xad dhaafka ah ee aqoontu samaynayso, iyada oo tobonaankii sano ee lasoo dhaafay ay xadhka goosi ku jirto aqoontu, taasoo ay sababayso horumarka laga sameeyey tiknoolojiyada, cidii aan si garab socod ah ula jaanqaadinna dunida kale ay ka hadhayso.
  • Dhaqan gelinta afkaarta cusub ee waxbarashada ku saabsan, sida fikradaha barbaarineed ee kala ah (horumarinta wax is-bararidda, barashada aan dhamaan, kobcinta habfikirka toolmoon, xalinta mushkiladaha, tarminta hal-abuurka), afkaartaas oo xal unoqon karta in qofka ama bulshadu dhibaatooyinka soo wajaha xal u heli karaan, firaaqada (wax ku ismanaan la’aanta) oo la yareeyo iyo waxsoo saarka aqoonta oo la kordhiyo.

Halkan ka aqri qaybta labaad ee Qormada

Leave a Reply

error: Lama ogola !!