Deeqaha waxbarashada ee ay dalban karaan ardayda Soomaalida 2024

Hordhac

Mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee ay wajaheyso dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waa sidii loo hormarin lahaa helitaanka waxbarasho tayo fiican leh oo dalka gudihiisa diyaar ku ah.

Dagaallo socday in ka badan 30 sano ayaa saameyn xooggan ku yeeshay hannaankii waxbarasho ee dalka, taasoo keentay in tayadii waxbarashada ay hoos u dhacdo isla markaana yaraato tirade macallimiinta ee aqoonta ku filan leh.

Barakaca boqollaal kun oo qoys ayaa sii adkeeyay in carruurta ay helaan waxbarasho halka waalidiin bandanna ay culeys kala kulmeen bixinta lacagta iskuulka.

Sida ay sheegtay hay’adda UNICEF, in ka badan saddex milyan oo carruur ah oo Soomaaliya ku sugan ayaan heli karin waxbarasho.

Soomaaliya waxa ay leedahay tiro dhallinyaro ah oo badan, waxaana tirakoobyada qaar ay gaarsiiyaan in da’yartu ay xoogaa ka badan tahay boqolkiiba 50 ka mid ah tirada guud ee shacabka.

Haddii ay dhallinyaradu helaan waxbarasho tayo fiican leh iyo fursado waxa ay fure u noqon karaan hannaanka dib usoo kabashada iyo dib u dhiska dalka oo soo maray tobannaan sano oo isku dhacyo iyo xasilooni darro ah.

Si ay dhallinyaradu awood ugu yeeshaan in ay sii wadaan horumarka dalka, waa in ay dowladdu maalgelin ku sameyso hannaanka waxbarashada, taasoo ay ku jirto in ay dhisto xarumo waxbarasho, sida dugsiyada farsamada gacanta, machadyo iyo Jaamacado.

Haddaba, maadaama ay yar yihiin fursadaha waxbarashada Jaamacadaha ee dalka, qoysas badan waxa ay aad u raadiyaan fursado waxbarasho oo dibadda ah. Kuwa ku guuleysta in ay helaan diiwaan-gelinta jaamacado dibadda ku yaalla, waxaa sii caawin karta in ay helaan deeqo waxbarasho oo ay kusii xoojinayaan sidii ay u heli lahaayeen waxbarasho tayo wanaagsan leh, gaar ahaan ardayda kasoo jeedda qoysaska dan yarta ah.

Hase ahaatee, caqabadaha ay la kulmaan ardayda Soomaalida ah waa in dalal badan oo aaduunka ka tirsan aysan aqoonsaneyn baasaboor Soomaaliga, taasoo adkeyneysa in ay helaan deeqaha waxbarashada ee dibadda.

Baasaboor Soomaaliya waxa uu meelaha ugu hooseeya kasoo galay liiska sanadlaha ah ee ay shaacisay hay’adda qiimeynta baasaboorrada dunida ee Passport Index.

Baasaboorrada Afghanistan iyo Suuriya oo keliya ayaa Soomaaliya uga hooseeya liiska. Sanadkan, baasaboorrada Yemen iyo Pakistan ayaa ka sare maray Soomaaliga oo sanadihii hore ka korreyn jiray.

Ma sahlana inaad si iskaa ah u hesho deq waxbarasho.

Mustaf Cabdullaahi Maxamed waxa uu ka mid yahay ardayda Soomaalida ee isku dayay in ay deeq waxbarasho ka helaan dalalka dibadda, isagoo sheegay in uu dadaalkaas ku bixiyay waqti badan.

Waxa uu Mustafa u sheegay BBC-da in uu kharash uga baxay si uu u helo deeq waxbarasho oo loo ballan qaaday, markii dambena uusan helin

“Markii hore waxaan isku dayay in aan kaligey raadsado codsiga deeqda waxbarasho, oo aan keligey howsha dhammeysto, balse markii ay ii suurtageli weysay ayaan u tagay shirkado ka shaqeeya codsiyada waxbarashada caawinaadda ah.

“Ugu horreynba waxa ay ii sheegeen in baasaboorka Soomaaliga ah ee aan heysto uu ka duwan yahay sharciyada kale, ayna adag tahay in lagu helo deeq wax barasho. Waxay iga qaateen lacag si ay howsha codsiga iigu fududeeyaan, iyagoo ii ballan qaaday in ay lacagteyda dib iigu soo celin doonaan.

“Muddo ayaan sugayay, markii aan wicitaanka ku badiyay si aan jawaab uga helo ayey ii sheegeen in aysan waxba ii heli karin, sidoo kale waxay iiga baxeen ballantii ahayd in ay lacagteyda ii celin doonaan,” ayuu yiri Mustaf.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in markii dambe uu ku khasbanaaday in uu lacagta jaamacadda iska bixiyo, halkii uu deeq wax barasho heli lahaa.

Balse nasiib wanaag, markii uu dhammeystay wax barashada shahaadada heerka koowaad ee Jaamacadda waxa uu helay deeq waxbarasho oo uu ku muteystay in uu natiijo fiican keensaday iyo in uu gudaha Shiinaha wax ku bartay.

“Afartii sano ee Jaamacadda markii aan dhammeystay, oo natiijo fiican aan keensaday, luuqadda Shiinahana aan si wanaagsan u bartay waxaan helay fursad deeq wax barasho ah oo aan ku qaato heerka labaad ee Jaamacadda, ilaa haddana wey ii socotaa,” ayuu yiri Mustaf.

Laakiin ka hor inta uusan wax barashada heerka Master-ka ee jaamacadda u gudbin waxa uu isku dayay in uu codsado deeq wax barasho oo ka raadsaday jaamacado ku yaalla dalka Canada. Hase yeeshee uma suurtagelin inuu ku guuleysto, sababtuna, sida uu sheegay, waxay ahayd baasaboorkiisa oo Soomaali ah, halka arday saaxiibbadiis ah oo baasaboorro dalal kale watay ay fursaddaas heleen.

“Markii aan wax barashada dhammeystay, ka hor inta aanan qalinjebin ayaan dalbaday deeq wax barasho oo Canada ah. Natiijooyinkeyga wey fiicnaayeen, laakiin caqabadda I hor istaagtay ee ay fiiriyeen waxay ahayd baasaboorkeyga oo Soomaali ah.

“Jaamacadaha deeqda wax barasho bixinayay markii aan shuruudahooda fiiriyay waxaa ku xusneyd in aysan qaadaneynin baasaboor Soomaali. Marka sidaas darteed maba codsan kartid. Wey jiraan arday Soomaali ah oo deeq wax barasho ka hela Canada laakiin fursadaha aad ayey u yar yihiin.

“Waxaa jiray arday aan jaamacadda Shiinaha isla dhiganeynay oo watay baasaboorka Kenya, oo xitaa natiijo ahaan aan aad uga sarreeyay, haddana jaamacad ka helay Canada,” ayuu yiri.

Mustaf oo Shiinaha kusoo bartay cilmiga injineeriyada rayidka ayaa sheegay in uu hadda shirkado Shiinaha laga leeyahay kala shaqeynayo si uu gacan uga geysto dib u dhiska dalkiisa hooyo.

Turkiga ayaa ka mid ah dalalka ay arday badan oo Soomaali ah u aadaan Jaamacado, ayna ka heli karaan deeq waxbarasho oo ay ku yareeyaan kharashka.

Qaaradda Yurub, afar waddan oo keliya ayaa aqoonsan baasaboorka Soomaaliya, kuwaasoo kala ah Talyaaniga, Norway, Sweden iyo Belgium. Xitaa dhowrkan dal qaarkood waxay si gaar ah u door bideen baasaboorka diplomatic-ga.

Xilli ay jaamacadaha adduunka isku diyaarinayaan diiwaangelinta ardayda la qaabilayo sanadka soo socda ee 2023-ka, waxaa jira dhowr jaamacadood oo shaaciyay in ay bixinayaan deeqo wax barasho oo loogu talogalay ardayda kasoo jeedda dalalka uu dhaqaalahooda liito ee ay ka mid tahay Soomaaliya.

Kuwani waa qaar ka mid ah fursadaha deeqda waxbarasho ee aan kasoo xigannay xogta ay jaamacadahaas faafiyeen.

Deeqahan waxbarasho waxaa bixiya dowlado, Jaamacado calami ah iyo shirkado doonaya in ay caawiyaan dadka dhallinyarada ah ee dadaalka badan.

Waxa ay sidoo kale deeqahan waxbarasho u furan yihiin ardayda Jaamacadaha heerka koowaad iyo heerarka ka sii sarreeya labadaba.

Deeqda wax barasho ee “The Emile Boutmy Scholarship”

Deeqdan waxbarasho waxaa bixisa Jaamacadda mageedu yahay Sciences Po oo ah jaamacad la aasaasay 1872.

Waxay ku taallaa magaalada Paris ee dalka Faransiiska. Waxaa dhigta arday gaaraysa 14 kun, kala bar ardaydaas ayaa waxay jaamacaddu sheegtay in ay yihiin arday diabadaha uga yimid.

Waxaad dalban kartaa shahaadada heerka koowaad ama tan labaad ee jaamacadda. Barnaamajyada ayaa ku baxa luqadda Ingiriiska.

Deeqdan ayaa waxay ku xirantahay in ay ku aqbasho jaamacadda Sciences Po, waxayna bixin doontaa dhammaan kharashka shahaadada koowaad ama tan labaad ee jaamacadda.

Kama dambaysta dalbashada deeqdan waa 22 ka Febraayo ee 2023

Deeqda wax barasho ee “Holland Scholarship”

Deeqdan waxbarasho waxaa bixisa dowladda Netherlands oo sidoo kalena loo yaqaano Holland.

Waxay siisaa ardayda jaamacadda Utrecht University oo ku taalla magaalada Utrecht ee dalka Holland, kaas oo ku yaalla waqooyiga-galbeed ee qaaradda Yurub.

Jaamacadda Utrecht waxay ka mid tahay jaamacadaha ugu cimriga dheer adduunka, maadaama la aasaasay ku dhawaad 4 boqol oo sano ka hor, sanadku markuu ahaa 1636.

Deeqdan ayaa waxaa loo soo bandhigaa ardayda dadaalkoodu sarreeyo ee adduunka, kuwaas oo danaynaya in ay qaataan shahaadada heerka labaad ee jaamacadda (Masters).

Dalbashada ayaa waxay ku egtahay bisha koowaad ee sanadka soo socda, 31-Janaayo, 2023

Deeqda wax barasho ee “Excellence Scholarship and Opportunity Programme”

ETH Zurich waa jaamacad dadweyne oo ku taalla magaalada Zurich ee dalka Switzerland. Deeqdan waxbarasho waxaa loo diyaariyay ardayda samaynaysa shahaadada heerka labaad ee jaamacadda.

Deeqdan waxay bixin doontaa dhammaan kharashaadka labada sano ee master-ka ama shahaadada heerka labaad ee jaamacadda.

Dalbashada deeqdan waxay furmaysaa 01-11-2022 waxayna ku egtahay 15-12-2022

Deeqda wax barasho ee “Alderbert Study Scholarships”

Deeqdan waxbarasho waxaad ka heli kartaa jaaamacadda Chalmers University of Technology oo ku taalla magaalada Gothenburg ee dalka Sweden. Deeqdan waxay bixin doontaa dhammaan kharashaadka shahaadada heerka labaad ee jaamacadda.

Dalbashada deeqdan ayaa hadda lagu guda jirtaa, waxayna ku egtahay 16 ka janaayo ee sanadka soo socda ee 2023.

Deeqdan ayaa u furan ardayda kasoo jeedda illaa iyo 143 dowladood oo ay Soomaaliya ku jirto.

Deeqda wax barasho ee “The ALX Tech Nanodegrees (Online)”

Alx Afrika waa shirkad ka shaqaysa horumarinta dhaliyarada Afrika dhinaca Teknoolojiyadda. Alx oo kaashanaysa hay’adda waxbarashada online-ka ah oo loo yaqaano Udacity ayaa waxay dhalinyarada Afrika ugu deeqeen barashada afar maaddo oo ku saabsan teknoolojiyadda.

Deeqdan waxay u furan tahay dhamaan ardayda Afrika kasoo jeedda oo ay ku jiraan Soomaalida. In aad dalbatid deeqdan ayaa waxba ku xirnayn, waxa keliya ee aad u baahan tahay ayaa ah in aad gashid bogga rasmiga ah ee deeqdan.

Shahaadooyinkan ayaa waxaad ku dhamayn kartaa muddo saddex billood ah.

Ogeysiis Tifaftir: Maqaalkan waxaa wax-ka-beddel lagu sameeyay 7 November 2022, si loogu muujiyo macluumaad dheeri ah. Dhammaan xogta ku saabsan fursadaha deeqda Waxbarasho waxaa laga heli karaa bogagga Jaamacadaha.

error: Lama ogola !!