Imtixaanka shahaadiga ah ee sannad waxbarasheedka 2023

Imtixaanka shahaadiga ah ee sannad waxbarasheedka 2023, warbixin dhammaystiran

Waxbarashadu waa furaha guusho iyo horumarka aadanaha, waa misbaaxa maanka, baanta nafta, istareexa araga, sooryada maqalka, iyo dhaxalka jiilka koraya.

Ummaduhu waxau horomarka ugu kala dheereeyaan sida ay ugu kala horreeyaan geeddiga tacliinta, Soomaalida inkasta oo jug wayni ka soo gaartay burburkii dawladeed, haddana waa ummad shacabkeedu ka tayo badanyahay dawladaha kala danbeeya ee ay heleen.

Waxbarasho ehli ah oo ku tiirsan aqoonyahanka waddaniga ah iyo waalidka oo noqday maalgeliyaha koowaad ee tacliinta dalka ayaa u suurta gelisay da’yarteenna in ay helaan tacliin leh tayo wanaagsan marka loo eego duruufta lagu aasaasay ee ay ilaa hadda ku shaqayso.

sanad dugsiyeedka 2022-2023 ayaa soo gaba gaboobay waxaana loo fariistay imtixaanaadkii fasallada caadiga ah (Naqliga) iyo fasallada shahaadiga ah, intii u dhaxaysay dabayaaqada bisha 5aad iyo bilowga bisha 6aad.

Shabakadda Som-Exams oo kaydisa imtixaanaadka dalka Warbixintaan waxay diiradda ku saari doontaa imtixaannadii shahaadiga ahaa ee dalka laga qabtay sannad waxbarasheedka 2022/2023.

Halkan waxaan idiin ku soo gudbin doonnaa imtixaannadii laga qaaday ardayda Lix maamul goboleed iyo Caasimadda [banaadir] tirada u fariisatay imtixaannada iyo xogo kale oo muhim ah, kuwaas oo aan ka soo xigannay warbixinaha ay baahiyeen wasaaradaha waxbarashada iyo komishinada imtixaanka ee ka jira dalka.

Banaadir

Ardayda imtixaanka u fariisatay 30,713 ayaa ahaa wiilal, waa tiro u dhiganta (56.6%), Halka tirada gabdhaha imtixaanka u fariistay ay gaareen 23,539 oo u dhiganta (43.4%).

Tirada ardayda u fariisatay imtixaanka fasalka 4aad ee Dugsiga ayaa gaaraysa 22,193, halka ardayda fsalka 8aad ee dugsiga dhexe ay gaarayso 32,059 arday.

Tirada guud ee ardayda u fariisatay imtixaanka shahaadiga ah ee Gobolka Banaadir (8-aad iyo 12-aad) waa 54,252 arday. [1]

Puntland

Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland Cabdullaahi Maxamed Xasan ayaa sheegay in ay imtixaanka fasalka 8aad ay u fariisteen ardey gaareysa 15,092 ardey, iyo fasalka afaraad ee dugsiga sare oo gaaraya 7,534 ardey oo isugu jira wiilal iyo gabdho, guud ahaan tiradooda ayaa gaareysa 22,626 ardey.

Wasiirka waxbarashada ayaa sheegay sidoo kale ardeydii gobolka Sool ay ku galayaan imtixaanaadka ilaa 7 gobood oo ka mid ah deegaanada Puntland, maadaama dagaalo ka socdaan gobolka Sool. [2]

Somaliland

Somaliland Sannad dugsiyeedka 2022/2023 imtixaanada shahaadiga ah ee fasalka 8aad dugsiga dhexe, iyo fasalka 4aad ee dugsiga sare waxa u fadhiistay arday dhan 41,000 oo arday, sida uu sheegay guddoomiyaha kommishanka imtixaanaadka.

16,000 waxay ka aflaxayaan waxbarashada dugsiga sare, halka 25,000 ay ka qalin beddelanayaan dugsiga dhexe, ardaydani waxa ay ka koobantahay waxbarashada tooska ah, waxbarashada farsamada gacanta, iyo waxbarashada dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

Dadka naafada ka ah araga ayaa sannad waxbarasheedkan markii ugu horraysay ka qayb galay imtixaannada shahaadiga ah. [3]

Galmudug

Imtixaanka shaadiga ah ee sannad dugsiyeedka 2022/2023 fasalka 8aad oo ay qaadday wasaaradda waxbarashadadawlad goboleedka galmudug waxa u fariistay 4,931 arday, oo ka kala socda 144 Dugsi kuwaas oo ku kala yaala 12 degmo iyo 2 deegaan. [4]

Imtixaannada fasalka 4aad ee dugsiga sare waxa u fariistay 2,444 oo arday, imtixaanka waxa lagu qaaday 13 xarumood oo ku kala yaal 8 degmo oo ka tirsan maamul goboleedka Galmudug. [5]

Tirada guud ee ardayda u fariisatay imtixaanka fasalka 8aad ee dugsiga dhexe iyo fasalka 4aad ee dugsiga sare waa 7,375 arday.

Jubbaland

Imtixaanka dugsiga saree e maamul goboleedka Jubbaland waxa u fariistay 1,561 arday, 1,051 ka mid ah waa wiilal, halka 510 ay ahaayeen gabdho. [6]

Imtixaanka dugsiga dhexe waxa la qaaday 10 cisho ka hor inta aan la qaadin imtixaanka dugsiga sare, waxaana ka qayb galay arday tiradoodu gaarayso 3,000 oo arday, sida lagu sheegay qoraal lagu faafiyay bogga Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare ee Jubbaland. [7]

Tirada guud ee ardayda u fariisatay labada ee heer ee imtixaanka waa 4,561, imtixaanka waxa lagu qaaday 10 xarumood oo ku kala yaalla 7 degmo oo ka tirsan maamul goboleedka jubbaland.

Hirshabeelle:

Sanad dugsiyeedka 2022/2023 maamul goboleedka hirshabeelle imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12aad waxa u fariistay 2,644 oo arday. [8]

Halka imtixaannada fasalka 8aad ay u fariisteen arday gaaraysa 6,910 arday, waa sannadkii 4aad oo xariir ah oo wasaaradda waxbarashada ee Hirshabeelle ay qaadayso imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga dhexe. [9]

Wadarta guud ee ardayda u fariistay imtixaannada fasalka 8aad ee dugsiga dhexe iyo fasalka 4aad ee dugsiga sare waa 9,554 arday.

Koonfur galbeed

Dawlad goboleedka koonfur galbeed Imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga sare sannad dugsiyeedka 2022/2023 waxa u fariistay arday dhan 4,300 oo arday, [10] halka imtixaanka dugsiga dhexe ay u fariisteen 8,949 arday. [11]

Imtixaanka Tirada guud ee ardayda u fariistay imtixaannada shahaadiga ah waa 13,249 arday, imtixaanka waxa lagu qaaday 17 xarumood oo ku kala yaala 7 degmo oo ka tirsan maamul goboleedka koonfur galbeed.

Gaboabo:

Tirada guud ee ardayda u fariistay imtixaannada fasalka 8aad ee dugsiga dhexe guud ahaan soomaaliya waa 94,502 arday, halka tirada guud ee ardayda u fariistay imtixaannada fasalka 4aad ee dugsiga sare ay gaarayaan 58,115 arday.

Wadarta ardayda u fariistay labada heer ee imtixaannada shahaadiga ah ayaa isku noqonaysa 152,617. Maamulka Kayd xogeedka imtixaanka ee Som-Exams wuxuu u rajaynayaa dhammaan ardayda soomaaliyeed mustqabal ifaya, wuxuuna ugu ducaynayaa in ay noqdaan kuwo dalkooda anfaca, sidoo kale waxaan rajaynaynaa in sannadka danbe tirada ardayda soomaaliyeed ee u fariisan doona imtixaannada shahaadiga ah ay gaari doonaan 200,000 oo arday.

Tixraac

1- Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir

2- Horseed Media

3- SLNTV

4- Bogga Wasaaradda Waxbarashada Galmudug

5- Bardaan Platform

6- Jubbaland TV

7- Bogga wasaaradda waxbarashada Jubbaland

8- Bardaan Platform

9- Bogga wasaaradda waxbarashada Hirshabeelle

10- Bogga wasaaradda waxbarashada Koonfur Galbeed

11- Bogga wasaaradda waxbarashada Koonfur Galbeed

Leave a Reply

error: Lama ogola !!