10 fikradood oo saamayn leh: galladaha diinta iyo garashada caqliga

Hordhac

Aadanuhu waa noole uu ilaahay abuuray isla markaasna uu karaameeyay oo kor u qaaday, waxa uu ku jiraa geeddi dheer oo aan ku dhammaan dhimashada, go’aannada uu qaato ayaana jaan gooya qofka uu yahay iyo darajada uu joogo.

Aadanuhu kala doorashada go’aannada gudban ee hor yaalla waxa uu u kaalmaystaa galladaha diinta iyo garashada caqliga, qormadan waxaad kaga bogan doontaa 10 fikradood oo saamayn leh kuwaas oo wax badan ka bedeli kara hab-fikirkaaga iyo hab-dhaqankaaga labadaba.

Rajada-waalidka-10 fikradood oo saamayn leh: galladaha diinta iyo garashada caqliga

Fikradda 1aad

Waxaa hubaal ah in aynaan qadderin dad himiladoodu innaga tahay! fadlan dib u eeg xidhiidhka aad la leedahay waalidkaaga, xaaskaaga iyo carruurtaada.

Fikradda 2aad

Aqoonta waxaa dhala ku celcelinta ama raacashada (التعلم ابن التكرار)

Wax kasta oo qiima lihi waa qaali, aqoontuna waa waxa bini aadamku kaga duwan yahay xayawaanka intiisa kale, haddaba wixii aad rabto inaad barato la nooloow oo saaxiib la noqo.

Wakhti-hore-kac-10 fikradood oo saamayn leh: galladaha diinta iyo garashada caqliga

Fikradda 3aad

Waqti hore in la kaco waa dhaqan ka mid ah dhaqammada maalinlaha ah ee ay leeyihiin dadka saamaynta ku leh nolosha. (إن الاستيقاظ مبكرا هو واحد من ممارسات اليومية للقادة)

Sidoo kale Nabigu ﷺ ummaddiisa wuxuu ugu duceeyay in ilaahay u barakeeyo jarmaadada (اللهم بارك لأمتى في بكورها).

Fikradda 4aad

Wixii aad ku qanacdo inaadan qaban karayn, ma qaban kartid ilaa aad beddesho qanaacadaas! Sidaa darteed isbeddelku wuxa uu ka bilowdaa isbeddelka qanaacada.

Si kale haddii aan u dhigno waxa ugu badan ee wax qabadkaaga hoos u dhigaa waa inaad ku qanacdo inaadan waxba qaban karin.

Fikradda 5aad

Waxa aynu ku fekernaa in aynu wax fiican qabanayno haddii aynu helno maal ama mansab, innaga oo u jeedna in aysan waxba qaban kuwii mansabka ama maalka hayey.

Taas beddelkeeda waxaa mudan in aan dareeno in kartida ilaahay ina siiyey iyo awooddeenu ay tahay kayd u baahan in aan la soo baxno.

Akhri buugga uu qoray Anthony Robbins ee lagu magacaabo “awaken the giant within you” oo macnihiisu yahay Toosi Cimlaaqa gudahaaga ku jira ma ogi in Af-soomaali lagu tarjumay balse haddii Af-carabigu kuu sahlanyahay waxaad ku raadin kartaa (ايقظ المارد في داخلك).

Qoraagu waxa uu iftiiminyaa in ay jirto karti badan oo kugu duugan, balse aysan sahlanayn sida aad uga faa’iideysan karto, sidoo kale waxa uu aqristaha dareen wayn ka siinayaa ahmiyadda uu leeyahay qof ahaan.

Is-beddel-joogto-ah-10 fikradood oo saamayn leh: galladaha diinta iyo garashada caqliga

Fikradda 6aad

Isbeddelka nafteennu ma aha wax ku yimaadda si fudud ama laab-la- kac, mana aha wax midhihiisa markiiba la goosto, balse waa geeddi u baahan qorshe dheer dadaal iyo Samir.

Macquul ma aha meesha ishaadu aragto inay tallaabadaadu gaadho isla markaaba! sidaas darteed waa inaad leedahay qorshe dheer maalintaaduna ka fiicnaato shalay halkii aad joogtey Qaaciidada lama dhaafaanka ahi waxay tahay “Adigu isbeddel, si aad wax u bedesho”

Fikradda 7aad

Waa su’aal dahabi ah waana halka isbeddelku ka bilaabmo: Noloshaadu ma waxa ay ku socotaa nidaam aad u jeexday oo aad ku qanacsantahay, mise waxa ay ku socotaa qorshe la’aan iyo qanaaca darro?

Haddii aad tahay nooca labaad daqiiqadan aad akhrinayso qoraalkan yaanay kula dhaafin inaad qaadato go’aan geesinimo leh oo aad ku saxayso noloshaada.

Ilaahay ﷻ waxa uu yiri (فإذا عزمت فتوكل على الله، إن الله يحب المتوكلين) Al-Cimraan:159

Marka la soo kobo macnaha aayaddu waxa uu noqonayaa Marka aad go’aan gaarto Allaah talo saaro, waxa uu jecelyahay kuwa talo saarta’e.

Niyo-iyo-camal-10 fikradood oo saamayn leh: galladaha diinta iyo garashada caqliga

Fikradda 8aad

Waa run dadka intiisa badani ujeeddo ayay ka leeyihiin nolosha, awoodna way u leeyihiin inay xaqiijiyaan, Laakiin ma dhacdaa?

Xaqiijinta himilooyinka waxaa saldhig u ah isku darka niyada iyo camalka Nabigu ﷺ waxa uu yiri (إنما الأعمال بالنيات) camalku waa uun niyada.

Niyo + camal = Guul.

Fikradda 9aad

Ma jirtaa caado aad rabto inaad iska goyso ood kari la’dahay?

Hadday haa tahay, adigoo alle talasaranaya oo ducada badinaya qaad tallaabooyinkan:

Karaamada-Caqliga-10 fikradood oo saamayn leh: galladaha diinta iyo garashada caqliga

Fikradda 10aad

Ilaahay Aadamaha waxa uu ku karaameeyey caqliga, cilmiga iyo suuradda wanaagsan ee uu u abuuray, haddaba marka uu u dhaqmo si khilaafsan caqligii iyo cilmigii uu sharafta ku lahaa, ogsoonow inaanay u dhaxayn isaga iyo xayawaanka intiisa kale wax ka baxsan suuradda wanaasan ee ilaahay u abuuray.

Allaah ﷻ waxa uu yiri:

(لَهُمْ قُلُوبٌ لَا يَفْقَهُونَ بِهَا وَلَهُمْ أَعْيُنٌ لَا يُبْصِرُونَ بِهَا وَلَهُمْ آذَانٌ لَا يَسْمَعُونَ بِهَا ۚ أُولَٰئِكَ كَالْأَنْعَامِ بَلْ هُمْ أَضَلُّ)

Waxa ay leeyihiin qalbiyo aysan xaqa ku fahmin, indho aysan xaqa ku arkin, iyo dhego aysan xaqa ku maqlin, kuwaasi waa xoolaha oo kale iyagaana ka dhunsanaan badan.

Darajadaas xoolaha ka hoosaysa ayuu joogayaa aadanuhu inta uu dib ugu soo laabanayo xayndaabkii caqliga iyo sharciga.

Gabo-gabo

Maadaama ay bulshadeenna ka yihiin 70% waxay u badantahay in aqristuhu ka mid yahay dhalin yarada fadlan ogoow in ay kugu xirantahay himilada waalidkaa iyo bulshadaada labaduba, garo qiimahaaga, talo saaro rabigaa, riyadaadana aroorta hore u toos rumaynteeda.

Haddii aad ka faa’iiday maqaalkan (10 fikradood oo saamayn leh) la wadaag cidda aad jeceshahay in ay is bedel samayso ama nolosha heer ka gaarto.

Leave a Reply

error: Lama ogola !!