10 xigasho oo kugu dhiiri gelin doona waxbarashada

Hordhac

Noloshu waa dugsi, waqtigu waa macalin, dadkuna waa arday, kaalmaha kala duwan ee nolosha waxa ku soohan caqabado aan laga furdaamin karin!

Ku-dhaca ama badheedhuhu waa geesinimo hibo ah oo aan nafluhu wada haysan, qofka aan dhiiranayn hore uma dhaqaaqo halkiisana ma dhaafo; waa sababta aan looga maarmin dhambaallada dhiirigelinta.

Waxbarashadu waa kaalin nololeed oo qiimo badan, xayndaabkeeda waxa ku jira xubno ay ka mid yihiin macalin, arday, maamul, iyo waalid.

Xubin kastaa wuxuu leeyahay door u gaar ah oo la yaqaan wuxuuna kala midaysanayahay inta kale xaqiijinta guul waxbarasho oo wax ku ool ah.

Dhammaantood waxa soo foodsaara caqbado kala duwan waxayna u baahanyihiin dhiiri gelin iyo tirtirsiin, qormadan waxay kow ka tahay silsilad dhanbaallo ah oo xanbaarsan tobanaan xigasho iyo xikmadood oo waxtar u leh bahda waxbarashada.

1- Waxbarashadu maaha buuxinta Wadaanta, laakiin waa shidista Shumaca.

Waxbarashadu maaha buuxinta Wadaanta, laakiin waa shidista Shumaca - Xigasho

Mudane macalin waajibkaagu ma aha maanka ardayga in aad u buuxiso sida wadaan ceelka aqoonta la soo daray, waajibkaagu waa in aad maankiisa ka shiddo shumac Fikir & faham ah oo uu ifsado noloshiisa inta ka harsan.

2- Mar walba oo akhriskaagu kordho ogaalkaaga ayaa kordha.

Mar walba oo akhriskaagu kordho ogaalkaaga ayaa kordha - Xigasho

Ogaalka iyo akhriska waxa ka dhexeeya saami-gal qumman, mar walba oo xaddiga akhrisku kordho si udhiganta ayuu xaddiga aqoontu ula kordhaa; sidaas darteed akhri wax badan si aad u ogaatid wax badan.

3- Haddii aad ku guul daraysato in aad dejisato qorshe, waxaad qorshaysay in aad fashilanto.

Haddii aad ku guul daraysato in aad dejisato qorshe, waxaad qorshaysay in aad fashilanto - Xigasho

Salaaduhu qorshe aan baaqan ayay leeyihiin, waxbarashaduna jadwal aan laga leexan ayay leedahay, haddii aadan qorshe u samayn muraajacada, akhriska, jimicsiga, iyo madadaalada waxaad qorshaysay in aad guul darraysato.

4- Baruhu wuxuu saameeyaa quruumaha; Marna ma sheegi karo halka saamayntiisu ku dhammaato.

Baruhu wuxuu saameeyaa quruumaha; Marna ma sheegi karo halka saamayntiisu ku dhammaato - Xigasho

Aqoonta uu gudbiyo baraha faa’iidadeedu kuma joogsato faca uu wax baray, waxay u gudubtaa quruumo aan la qiyaasi Karin, mana jirto cid saadaal ka bixin karta Meesha ay ku dhammaato.

5- Nadaafaddu waa iimaanka barkiis.

Nadaafaddu waa iimaanka barkiis - Xigasho

Nadaafaddu waxay shardi u tahay cibaadada ha noqoto midda qalbiga oo laga safaynayo xumaha, cuqdadda, iyo nacaybka, ama ha noqoto midda jirka laga dhaqayo wasakhda soo gaarta, ama ha noqoto midda guryaha, jidadka, iyo goobaha danta guud.

6- Safarka kunka mayl wuxuu ku bilaabmaa hal tallaabo.

Safarka kunka mayl wuxuu ku bilaabmaa hal tallaabo

Safarka dheer ee muraajacada sannad waxbarasheedku waxa uu ka bilowdaa hal fadhi oo ay raaceen fadhiyo kale oo joogto ah, hadda biloow safarka.

7- Qofka kaliya ee wax bartay waa kan bartay sida wax loo barto loona sameeyo is beddel.

Qofka kaliya ee wax bartay waa kan bartay sida wax loo barto loona sameeyo is beddel - Xigasho

Barashada sida wax loo barto waa tallaabada koowaad ee waxbarashada, akhriska, ku celcelinta, fadhiyada dhaadheer, doodaha fasalka, soo koobista casharrada, iyo in loo rogo su’aalo iyo jawaabo, dhammaan waa hababka waxbarashada, hababkan in la barto ayaana ka horeeye barashada aqoonta ku qoran manhajka.

Ujeedka koowaad ee aqoonto waa in ay is beddel ku samayso bartaha, hab fikirkiisa iyo hab dhaqankiisa, haddii labadaas aysan waxba iska beddelin weli waxba ma aadan baran.

8- Xididdada waxbarashadu waa qadhaadh yihiin, laakiin midhuhu waa macaan yihiin.

Xididdada waxbarashadu waa qadhaadh yihiin, laakiin midhuhu waa macaan yihiin - Xigasho

Geedka aqoontu wuxuu leeyahay xididdo qaraar iyo midho macaanka, marka la beerayo waxa loo maraa dhibaato badan, waxaase ka danbaysa dheef badan, Samir iyo adkaysi wehesho inta aad xaqiijinayso hadafkaaga.

9- Shaqada waxbarashadu waa in qofka la baro inuu si qoto dheer u fikiro, waxna naqdiyo maskax iyo shaksiyad wada jira taasi waa yoolka waxbarashada dhabta ah.

Shaqada waxbarashadu waa in qofka la baro inuu si qoto dheer u fikiro, waxna naqdiyo maskax iyo shaksiyad wada jira taasi waa yoolka waxbarashada dhabta ah - Xigasho

Fikirku waa natiijo ka dhalata adeegsiga aaladda aan uga duwannahay xayawaanka, ujeedka aqoontu waa in la helo qof si cufan oo qoto dheer uga fikiri kara arrimaha hor yaal, sidoo kale isgoon duuduub u liqin lafo guri kara fikradaha loo soo bandhigo.

10- Akhrisku waxa uu maskaxda ugu jiraa booska uu jimicsigu ugu jiro jidhka.

Akhrisku waxa uu maskaxda ugu jiraa booska uu jimicsigu ugu jiro jidhka - Xigasho

Haddii muruqyada jirku ay ku dhismaan jimicsiga, muruqyada maskaxdu waxay ku dhismaan akhriska, intaas aan isla fahamno.

Gunaanad

Qormadani waxay xanbaarsanayd 10 xigasho oo kugu dhiiri gelin doona waxbarashada, kaana saacidi doona in aad ka gudubto caqabadaha ku soo foodsaara, inta aan isugu imanayno qormo la mid ah amaano allah.

Leave a Reply

error: Lama ogola !!