Hordhac
Mindida la soofeeyay ee … mooska jari weydey
Ogow midigta kay ugu jirtaan … siinnin mudankeeda
Cabdullaahi Macallin Dhoodaan
Waxbarashadu waa ifiyaha nolosha aadanaha iyo tiir ka mid ah tiirarka ilbaxnimo ku istaagto. Marna iyada oo Ibnul Qayim aqoonta ka hadlayo waa kii lahaa: “Dadka aqoonta jeceli waa ay uga hilaw iyo jacayl badanyihiin mid kasta oo wax jeclaada ta uu jecelyahay.”
Mar kale Ibnul Qayim markuu macnaynayay aayadda (وقل رب زدني علما) waxa uu yidhi: cilmiga intan ayaa sharaf ugu filan; in Alle Nebigiisa (NNKHA) uu amray in uu weydiisto cilmi dheeri ah.
Mar kale dadka xikmadda u saaxiibka ahi waa kuwii ku talinayay: ogow cilmiga iyo badsashadiisa, maxaa yeelay intiisa yari (cilmiga) waxa ay u egtahay khayrka intiisa yar, intiisa badanina waxa ay u egtahay khayrka intiisa badan, la iskumana ceebeeyo khayrka, inta yar mooyee, balse badnaantiisu waa wax la yididiisho.
Waxaa cirka lagu hujuumay
Waxaa dhulka lagu hubsaday
Waxaa badahaas hugmaaya
Bidhaansada guntooda hoose
Waxaa uummiyaha hanuunshay
Waxaa cudurkii halgaaday
Waxaa jahligii haleelay
Waxaa gaajadii hirdiyay
Horsed cilmiyeed miyaa?
– Gaarriye
Muraajacada
Isla jeerka aad buugga isku laabto waxa aad hilmaamaysaa 50% ka mid ah macluumaadkii aad maskaxdaada ku kaydisay. Inta soo hadhayna waad illaawi doontaa muddo ka dib. Yaanu ku dagin dareenkaaga kuu sheegay in aad qabatay macluumaadkii uu qoraagu ka hadlay, oo waa dareen ku khiyaamaya, si degdeg ahna waad u hilmaami doontaa wixii aad akhriday.
Xalku waxa uu ku jiraa, in aad ku laabato oo ku laabato sookoobiddii aad diyaarisay, mar walba naftaada weydii: diyaar ma u ahay in aan mawduucan imtixaan ku galo? Haddii ay jawaabtaadu noqoto maya, waxa aad u baahan tahay in aad mar kale ku laabato mawduuca oo aad dib u muraajacayso.
Qaabka Muraajacada Casharrada:
Dejiso Qorshe Wax-diyaarineed
Tallaabada ugu horraysa ee aad qaadaysaa ha noqoto in aad dejisato qorshe wax-diyaarineed oo habaysan, iyada oo lagu salaynayo seesas la jaanqaadaya waqtiga ardayga iyo shaqooyinka uu awoodo in uu ka guulgaadho, waxa uuna raacayaa tallaabooyinka soo socda:
- 1. Waa lamahuraan ah in la jaangooyo hawlaha la rabo in lagu qabto muddo cayiman.
- 2. Waxaa waajib ah in la xaddido saacadaha wax la raacanayo.
- 3. Waxaa waajib in la xaddido casharrada la rabo in la diyaariyo iyada oo waqtiga lagu dhammaynayana la jaangoynayo.
- 4. Waxaa wanaagsan in bireeg loo dhaxaysiiyo labadii cashar ee kasta.
Dooro Meesha Ugu Habboon
Ka dib marka aad dejisato qorshe wax-diyaarineed, waxaa waajib kugu ah in aad doorato booskii kugu habboonaa. Waxaa khasab ah in booskaasi uusan ahayn meel buuq ah, waa in uu noqdaa meel jawigeedu degganyahay, aanna ahayn qolka hurdada.
In la xaddido waqti wax-diyaarineed
In la xaddido waqtiga wax-diyaarintu waxa ay ardayga ka caawinaysaa in uu si caqliyaysan uga faa’iidaysto waqtigiisa, Waxaa ardayga u suurtoobaysa in uu kala qaybsado waqtigiisa isaga oo ku salaynaya muhiimadda wax-diyaarinta, sida in uu shan daqiiqo u qorsheeyo wax akhrin, shan daqiiqana in uu xaddido xogaha muhiimka ah, ka dibna uu qaybo maaddada ama uu ka shaqeeyo laylisyada.
In doonis iyo go’aan adag wax-diyaarinta lagu bilaabo
In aad qorshe dejiso oo meel kugu habboon aad diyaariso kuguma filna. Haddii aadan haysan doonis iyo go’aan adag waxa ay u badan tahay in aadan muddo dheer wax sii wadin oo aad halkaas ku istaagto, iyada oo ay sababtu tahay in aanay jirin doonis iyo go’aan adag oo aad ku doonayso in aad ku xaqiijiso yoolashaada.
In la soo koobo xogaha
Waxaa ardayga laga rabaa in uu sameeyo soo koobid kooban oo ku saabsan maaddada.
Qaadashada waqti nasiino
Sida uu jidhka qofku u daalo ayay maskaxdiisuna u daashaa, sidaas awgeed waxaa muhiim in qofku helo waqti nasiino ah si uu ugu diyaargaroobo shaqada ku xigta.
Fadhi kasta oo wax-diyaarineed ka dib qaado waxoogay nasiino ah, daqiiqadahaasna waxaad uga faa’iidaysan kartaa in aad dangiigsato ama socoto ama wuxuun kale oo jimicsiyo ah aad samayso.
Imtixaanka
Imtixaannadu waxa ay culaysyo ku keenaan dhammaan ardayda xitaa kuwa ugu degganaanta badan, balse waxoogay diyaargarow ah iyo in la raaco jadwal nidaamsan oo wax lagu muraajaceeyo, waxaa suurtagal ah in aad ku xaqiijiso derajooyinka aad mudan tahay.
Talooyin ku saabsan muraajacada
Isku day in aad jadwalka muraajacada ku fadhiisiso xilliyada ugu badan ee ay maalintii firfircoonidaadu figta joogto, tusaale ahaan haddii aad subixii dareemayso firfircooni iyo diiradsaaryo, samee in aad maaddooyinka badankooda muraajacayso, sida ay kuugu habboon tahay:
- • Sii mudnaanta imtixaannada saamigalka ugu badan ku leh darajooyinka maaddooyinka.
- • Hel xilliyo raaxo oo nidaamsan si aad u soo ceshato firfircoonida maskaxdaada.
- • Adeegso noocyo iyo marinno kala duwan oo muraajaco oo ay ku jiraan buugaag, codad iyo muuqaallo.
- • Ku qor qodobbada muhiimka ah buuggaaga muraajacooyinka.
- • Ka shaqee imtixaannadii hore.
Talooyin ku aaddan maalinta imtixaanka
- 1. Ilaaasho degganaantaada qaadana neef qotodheer.
- 2. Akhri warqadda imtixaanka dhammaanteed ka hor inta aadan bilaabin ka jawaabista.
- 3. U gudub su’aasha ku xigta haddii ay su’aali isku kaa soo taagto.
- 4. Si taxaddar leh u akhri su’aasha, hubi in aad su’aal kasta uga jawaabtay si sax ah.
- 5. Biyo cab inta uu imtixaanku socdo.
- 6. Hubi dhammaan jawaabaha, si gaar ahna haddii aad imtixaanka dhammayso xilli hore.
Qishka iyo Raadadkiisa
Qishku waa shaacsane aad u halis ah oo ku dhex faafsan bulshooyinka, si gaar ah bulshooyinka soo koraya. In badan oo macallimiin, maamulayaal iyo waalidiin ahiba waxa ay ka cabanayaan shaacsanahan halista ku ah Waxbarashada ardayga.
Meelaha qaar waxa ay gaadhay in badownimo iyo dibdhac lagu tilmaamo ardayga aan wax qishin! Waxaa kale oo dhacda ardayga arday kale qish u diida in lagu tilmaamo tilmaan kasta oo xun halkaasna nacayb looga qaado!
Qishku uma bannaana sina iyo goorna. Sidaas awgeed ayay u habboon tahay in loo hawlgalo sidii looga takhallusi lahaa inta ka horraysana loo yarayn lahaa.
Raadadka qishka
Qishku waxa uu raadad xun kaga tagaa qofka iyo bulshada labadaba raadadkaas waxa ka mid ah:
- 1. Waxa uu qayb ka yahay dibudhaca ummadda.
- 2. Qofkan wax qishaya waxaa laga yaabaa in uu berri xil qabto sidaas awgeed uu qofkaasi dhaqankaas ka hirgaliyo meesha uu ka hawlgalayo.
- 3. Shaqada uu ku helo qofkan wax qishaya shahaadadii uu qishka ku qaatay (shahaadatu-Zuur), mushaharka uu ku qaadanayo waa mid xaaraan ah.
Ugu dambayntii, waxa aan arday kasta kula talinayaa in uu isku kalsoonaado naftiisana uu ku tashado, Allena uu uga cabsado waxa uu ku heli doono mustaqbalka.
Cilmigu waa misbaaxoo, jahligu waa madowyahaye