Hab dhaqanka ardayga wanaagsan

Hordhac

Ugu horrayn rabbi baa mahad leh mawlaha khalqiga magan illaaah baa leh malaa’igta khayrka sidda iyo muxammed baa nuur leh ( N.N.KH)

intaas dabadeed waxa aan qormadan kooban ku faallayn doonnaa astaamaha iyo dhaqanka uu ardayga wanaagsani leeyahay, si aynnu u fahanno astaamahaas iyo dhaqannadaas la iska rabo waxaa waajib ah in aynu ogaanno wa’ayo ardayga wanaagsani? Marka aynu garanno ardayga wanaagsan ayeynu siin karnaa dhaqanka wanaagsan ee uu yeelan karo.

Garashada iyo aqoontu waa qodobka labaad ee alle inoo unkay taas waxaa burhaan u ah in markii alle abuuray Adam C.S, uu baray shay walba magaciisa, sidoo kale nebi muxammed S.C.W, waxyigii ugu horreeyey ee lagu soo dejiyo waxa uu ahaa aayaad ka turjumaya aqoon, sidoo kale waxa uu alle ballan ku maray in qofkii ka cabsada alle uu illaahay ugu deeqayo aqoon.

qodobka ugu horreeya ee laga rabo ardayga wanaagsan dhaqankiisa waa rabbi ka cabsi weliba ta ugu mudan waayo garasho idilkeed xagga rabbi bay kaa xigtaa.

Qiyamka iyo asluubta la rabo in insaan walba ku sifeysnaado waxaa ugu muhiimsan saddex lana odhan karaa waa udub dhexaadka dhaqanka iyo tilmaamaha laga rabo ardayga wanaagsan:

Ixtiraamka macalinku waa hab dhaqanka ardayga wanaagsan

Ixtiraamka

Qodobka koowaad ee ah xushmadda, waa furaha dhaqanka wanaagsan ee ardayga laga rabo waxayna u kala qaadaynaa ixtiraamka dhowr qodob oo door muhim ah gelaya.

  • Ixtiraamka barayaashaada ama macallimiintaada taasina waxay noqonaysaa dhego furnaan, ka qayb qaadashada hawl qabadyada fasalka, talo qaadasho iyo in ardaygu macallinka ka waraysto waayo aragnnimada.
  • Ixtiraamka ardayda oo ah in aadan dhibin af iyo addin-ba.
  • Ixtiraamka aragti kala duwanaanta, aragtiyaha kala duwan ee kasoo burqanaya dadka inaad ixtiraamto oo aadan ku af-lagaadeyn ama aadan ku dhalleecayn waxa uu qabo qofku haba qaldanaato haddii ay qaldanaatona isku day sida wanaagsan inaad ula doodi kartid ee aadan la murmin.

Si kooban ixtiraamku wuxuu abuuraa deegaan waxbarasho oo hirgaliya guul iyo dhaqan suubban oo hanaqaada.

Amaanadu waa hab dhaqanka ardayga wanaagsan

Ammaano

Qodobka labaad ee ah ammaano, waana shay ka qayb qaadanaya geedi socod-dhaqameedka wanaagsan ee ardayga, ardaygu waxa uu baranayo ee aqoon ah waxay u baahan tahay ammaano iyo in aad uga soo baxdid sida ay tahay, waayo waxa aad go’aansatay in aad waxbarato markaasna waxa aad xanbaartay masuuliyad ah inaad bulshada ama basharka aad wax ugu taraysid qiyaamahana lagaala xisaabtamayo, haddaba ammaanadaadu waa in ay noqotaa mid ka kooban in aad waxbarashadaada baylihin.

Ammaaanadu waxay kamid tahay tilmaamaha iyo dhaqanka suuban ee ardayga korna u qaada kalsoonida.

Kartidu waa hab dhaqanka ardayga wanaagsan

Karti iyo hal-adayg

Qodobka saddexaad ee ah kartida iyo dedaalka, qodobkani marka laga imaado tilmaamaha iyo dhaqanka aad shakhsi ahaan ama ruux ahaan ku tilmaamnaanaysid waa qodobka ugu muhiimsan ee la rabo in lagaa arko shakhsi ahaan, waxayna u kala qaadi dhowr qodob oo kala ah:

Dedaalku waa summadaha ugu qaayaha badan ee ardaygu ku tilmaamnaado.

Tixraac: 1,

Leave a Reply

error: Lama ogola !!