Children playing at the school yard

Hal-abuurka iyo dib u cusboonaynta nidaamka wax barashada Q2aad

Hordhac

Waxa hubaal ah in aadanuhu keli, iyo wadarba uu u baahanyahay isbedel iyo cusayb joogto ah in uu sameeyo, isbedelkaas oo hadii aanu marba marka ka danbaysa samayn uu hiif, iyo nacayb naftiisa u qaadayo, raali ahaanshaha nafsadiisuna aanay suuroobeyn, haddaba taas waxa la mid ah isbedelka ku dhacaya nidaamyada nololeed ee aadamaha, oo uu ka mid yahay nidaamka  barid/barbaarineed (waxbarshada), kaas oo qofka iyo bulshadaba ku haga sidii uu uga faa’iidaysan lahaa deegaan nololeedkiisa dad iyo dabeecadba.

Qaybtuu hore ee qormada Hal-abuurka iyo dib u cusboonaynta nidaamka wax barashada waxaynu ku soo qaadannay.

  • Nidaamka waxbarashada, iyo sifihiisa
  • Cusboonaynta nidaamka waxbarasho iyo ujeedka laga leeyahay
  • Sababaha keena cusboonaysiinta nidaamka waxbarasho

Qaybta labaad ee maqaalkan waxaynu ku soo qaadanaynaa  tusaaleyaal qaramo cusboonaysiiyey nidaamyadooda waxbarasho, iyo sababaha Soomaalida ku khasbaya inay cusboonaysiiyaan nidaamyadooda waxbarasho.

Inta aadan bilaabin aqrinta qormada, waxa haboon in aad soo aqrido qaybta 1aad.

Hal-abuurka, iyo dib u cusboonaynta nidaamka wax barashada Q1aad

Qaramo cusboonaysiiyey nidaamyadooda waxbarasho

Dunidan aynu ku noolnahay isbeddeladu waxa ay udhacayaan si le’eg tirada dadyowga ku nool dunida, qaramo ayaa soo kacaya kuwana waa burburayaan, xasiloonida iyo qalalaasuhu meel gaar ah kuma eka waana is daba socdaan, awoodda iyo muquuninta waxa gacanta ku haya hadba cidii markaas tashi adag iyo tabaabulsho la timaada, waxa aad ku garanaysaa sida casrigan dawladda cusub (Modern state) ay horumarrada dalalku isu cidhbinayaan, aanna cidi cid kale ugu ogolayn inay ka sarayso.

Haddaba sida manaahijta fikir iyo nidaamyada siyaasadeed, dhaqan iyo dhaqaale ay cusboonaysiintu ugu socoto ayaa ay nidaamka wax barashadana ugu socotaa, nidaamkanina waa kanaalka afkaartuba usoo marayso jiilasha. qaran kasta oo nidaamkiisa waxbarasho ka gaabiyo inuu tartamo, layaab maleh in nidaamyo qalaad ay jiilashiisa hagaan oo u gacan haadiyaan.

Cidkastaaba hab-fikirkeeda ugaarka ah iyo khibradda ay cid kale ku aragto ayay adeegsanaysaa uguna shaqaynaysaa qarankeeda.

Maraykanka 1957

America's moon landing 1969

Midawgii Soofiyeetka ayaa 1957-kii waxay direen dayax-gacmeedkii uhoreeyey, taas oo ku abuurtay Maraykanka welwel iyo inuu ka shaqeeyo horumarka tiknoolojiyadiisa, waxa la sheegay in qaybo kamid ah maamul goboleedyada maraykanka sida California lagu soo rogey barashada luuqadda ruushka, sidoo kalena ay cusboonaysiin ku sameeyeen manhajka waxbarshada, ilaa ay sannado kooban kadib  sheegeen inay Iyana dayax gacmeedkoodii u horeeyey direen. waa halkii abwaankii soomaaliyeed uu kalahaa:

Aduunyada tacliin  iyo  cilmaa   ***  lagu tanaadaaye

Kuwa samada tegey waa aqoon   ***  waxay ku tookhaane

Tartan bay ku gaadheen halkaa   ***  kuna tis qaadeene

Tacabkaa ba’ soomaaliyeey   ***   waa lagaa tegaye

Japan 1945

Nuclear Explosion

Japan oo dagaalkii 2aad ee adduunka dhibaato badan kasoo gaadhey Iyana talaabadii koowaad ee ay qaaday waxa ay noqotay inay gurmad waxbarasho dalbato, caalamka ayay u dirsadeen arday jaadadka kala duwan ee culuumta soo barta, kadibna waxa ay sameeyeen dib u eegis iyo dejinta nidaam tacliimeed oo ay jiil kusoo saartaan, japan waxa kale oo ay wax ka bedel ku sameeyeen dhaqankii shaqada iyagoo aragtiyo cusub oo shaqada ku saabsan la yimid.

Rwanda 1994

Waxa iyana tusaale kale inoo noqon kara wadanka Rwanda ee Afrika, waxa 1994-kii ka dhacay xasuuq ay sababtay kala saraynta iyo nidaamkii dabaqadaha ee ka dhex jirey labada qawmiyadood ee wada dega dalkaas (Tuutsi iyo Huutu), halkaas oo ubadka tuutsigu ay fursadaha waxbarasho iyo kuwa shaqaba ka badsan jireen ubadka Huutuuga, gabadha Elisabeth king oo ah qoraaga buuga (from the classrooms to conflict in Rwanda) waxa ay leedahay:

Jaadka nidaamka tacliimiga ah ee Rwanda waxa uu ahaa mid naaxiya cunsuriyadda, waxa uuna sabab asaasi ah u ahaa dagaalkii sokeeye, taariikhda waa laga beensheegi jirey, si qabiilka loo siiyo qiime ka badan qaranka.

Rwanda Flag

Kadib xasuuqii Rwanda waxa wadanku u dhaqaaqay dhabaha nabadda iyo deganaanshaha, waxa ay wax ka bedel joogto ah iyo qorsheyaal isdaba yaala ka haqab tireen nidaamka tacliimeed ee dalka, waxa ay dagaal la galeen in lagu abtirsado wax ka sokeeya dalka, luuqadda faransiiska oo manhajka dhextaal u ahaydna waxa ay ku bedeleen ingiriisi si ay ardayda caalamka albaabada ugu furaan.

2014-kii ayaa hay’adda waxbarashada iyo dhaqanka u qaabilsan QM ee UNESCO  ku tilmaantay inay Rwanda kujirto waddamada ugu sareeya Afrika xaga nidaamka tacliimeed, ilaa ay kaalinta sadexaad timid.

Masar 2014

Dawladda Masar ayaa iyana dabagal ku samaysay tacliinta dalkeeda, taasoo lagu ogaadey liidasho badan, ardayda soo baxaysaana in ay ka heer hooseeyaan ubadka wadammada horumaray, waxa ay dejisteen qorshe tacliimeed 2014-2030 kaas oo ay halkudheg uga dhigeen “tacliintu waa mashruuca qaran ee dalkeena” dalkani waxa uu beegsanayaa in arday kasta oo dugsi sare gaadhey yeesho tablet manhajka, maktabada iyo kaabayaashii tacliintu ugu jiraan. kudhawaad 50% ardayda dugsiyada sare waxa ay u baydhayaan dugsiyada sare ee farsamada gacanta sida warshadaha, beeraha, tolmada iyo fanka, waxa ay masaaridu ku taamayaan inay usoo saaraan caalamka carabta iyo masarba shaqaale aqoon iyo mihnadba ka dhisan, waxa ay daraasadaha cusub ee dhanka horumarka Masar durba tilmaamayaan in waqtiga hadda lajoogo horumarinta dalkaasi aanay horay usoo marin taariikhda.

Waxa hubaal ah in waddan kasta horumarkii uu ku xidhanyahay hadba sida loo horumariyo muwaadiniinta ku nool, waxa qof lagu dhisi karaana waa nidaam tacliimeed oo tayo leh.

Way tiro badantahay tajrubooyinka wadamada caalamku ay ka sameeyeen isbedelka dalalkooda iyagoo nidaamayada waxbarasho dib u eegaya, waxaase aynu ku dhaafaynaa intaas.

soomaalida maxaa ku khasbaya inay cusboonaysiiyaan nidaamyadooda waxbarasho

Soomaalidu waa qawmiyaddaas degta geeska afrika, marnaba ma dhicin in dhulka Sommaaliyeed uu ka hirgalay nidaam siyaasadeed iyo mid tacliimeed oo midaysani toona, falsafad loo dhanyahay oo qof soomaali ah lagu dhisi karaana ma jirto mana dhicin, waxaase mudan in aan wax uun ka baraarujino wixii ku saabsan mawduucan (Hal abuurka iyo dib u cusboonaynta wax barashada) iyo sida looga faaiidaysan karo, gaar ahaan qolooyinka ku shaqada leh tacliinta sida wasaaradaha waxbarshada, ururada tacliinta u adeega, iyo goobaha tacliintaba.

Caqabadaha nolosha ee da’yarta soomaalida haystaa waa badanyihiin waase la kala roonyahay, waxaa jira dhibaatooyin la wadaago iyo kuwo meelo gaar gaar ah ku kooban, dhibaatooyinkaas waxa ka mid ah:

  1. Qabyaaladda oo guri kasta oo qoys soomaaliyeeda gashay.
  2. Jahliga (akhris/qoris la’aanta) iyada oo soomaalidu kaga jirto Afrika meelaha ugu jahliga badan.
  3. Faqriga iyo Colaadaha sokeeye.
  4. Dhibaatooyinka fikir iyo khalad fahanka diinta, taasoo in badan keenta dagaalo iyo dhibaatooyin Soomaali badani ku baxday.
  5. Hardanka dhaqamada kala duwan ee laga soo waaridayo wadamada caalamka Bari iyo Galbeedba oo qaar badan oo kamid ahi ay duminayaan dhaqankii, iyo diintii bulshada soomaalidu lahayd, siiba Soomaalidu markay qurbaha ukala foof tagtay.
  6. Mixnadda ka oogan baraha bulshadu ku kulanto iwm.

Dhibaatooyinkaas oo dhan iyo kuwa lamidka ah waa waxyaabaha ku khasbaya in soomaalidu meel ay joogtaba cusboonaysiiyaan nidaamyadooda waxbarasho, boodhkana laga jafo tacliinta oo ujeedooyinkeeda lagu saleeyo dawaynta xanuunada bulshada haysta, sidoo kale wasaaradaha loo dhiibo dad inta ay aqoonyahanno iyo khubaro yihiin ay ka badantahay inta ay xisbi gaar ah  iyo reer yihiin, in da’yar lasoo xulo loo dirsado caalamka gaar ahaan waddamada ay  soomaalida duruufahooda oo kale qabsadeen, si ay nidaamyada waxbarasho iyo horumar ee aduunyada isbedeshay usoo dheegtaan dhalinyartaasi wixiii laga qaadan karana ay usoo waaridaan.

Waxa hubaal ah haddii sida ay Soomaalidu dalalka caalamka gargaar lacageed  uga tuugaan ay u waydiisan lahaayeen in loosoo saaro dhalinyaro aqoon iyo xirfado casriyaysan leh  in ay cigan lahaayeen waqti koobanna kacdoonno horumaro ah gees kasta laga gaadhi lahaa.

Raadraaca qormada

  • دلال استيتية و عمر سرحان (2008) التجديدات التربوية.
  • لواء أمين منصور (2015)، التعليم المحور الأساسي للتنمية والنهوض الحضاري.
  • الخطة الاستراتيجية للتعليم قبل الجامعي، 2014-2030 مصر .
  • سلمان أبونعمان، (2012) التجربة اليابانيةدراسة في أسس النموذج النهضوي.
  • Elisabeth king, 2014 (from the classrooms to conflict in Rwanda)
  • xuquuqda sawirrada: freepik
error: Lama ogola !!