hands, receive, light-4153292.jpg

Mabaadi’da waxbarashada

Barashadu waa erey dulucdiisu tahay: isbedel xidhiidh ah oo qofka gudihiisa kadhaca, waxa uuna ka dhiganyahay doorsoon ku yimaadda dhugmada qofka, doonistiisa, ogaalkiisa iyo habdhaqankiisa, 
waxbarashada waxa ay natiijo u tahay maritaanka ruuxu uu maro khibrado is dabayaal ah.

Tusaale ahaan ilmuhu hooyadii iyo aabihii ayuu ka arkayaa iyaga oo wax wada cunaya, wada sheekaysanaya sidoo kalena wada shaqaysanaya markaas ayuu ilmuhu garawsanayaa xidhiidhka dadka ka dhexeeya ee wax wada qabsi, is caawineed iyo midnimo.

Sidoo kale ilmuhu fasalka dugsiga waxa uu kula kulmayaa maalinkii khibrado kala duwan, qaar macalimiinta uu ka arko sida dhigaalka casharka, su’aalo waydiinta, toosinta habdhaqanka leexsan iwm, qaar waxa uu ka arkayaa maamulka dugsiga sida hagaajinta safka ardayda, dabagalka iyo nidaaminta habraacyada dugsiga ee maalinlaha ah.

Qaar  kale waxa uu ardaygu ka arkayaa ardayda fasalka iyo dugsiga la dhigata sida u dheg-furnaanta maamulka, nadaafadda, xidhashada labiska dugsiga iyo la dhaqanka ardayda kale ee dugsiga.

Khibradahaas ardaygu uu bahda dugsiga ka arkayo waxa ay ku beereysaa si toos ah iyo si dadbanba in uu wax ka beddelo ogaalkiisii, xirfaddiisii habdhaqankiisii iwm, isbedelkaas sunsunta ahina waxa uu noqonayaa waxbarasho (learning-تعلّم).

Maadaama ay barashadu ka dhalato sunsun dhacdooyin ah kadib, waxa  jirta tilmaan ay culimada nafsadda aadanaha daraaseeyaa  ka bixiyeen dhawr waxyaabood oo barashada ujeedka lihi aysan ka maarmayn, waxyaabahaas oo loo tixgeliyey inay mabaadi’ u yihiin barashada la’aantoodna aanay barasho ujeedo ku fadhidaa u dhacaynin.

Mabaadi’daas mararka qaar waxa lagu asteeyaa shuruudda barashada, mareegta Som-Exams halkan waxay idiinku soo gudbinaysaa shanta qodob oo loogu yeedho Mabaadi’da waxbarashada.

1- Diyaar ahaanshaha ardayga

cunug wax aqrinaya - Jacaylka waxbarashada

Ardayga barashadu gudihiisa ka dhacayso waxa laga rabaa inuu nafsad ahaan, jidh ahaan iyo garaad ahaanba ugu diyaarsanyahay barashada, taas oo qofka ka dhigaysa inuu si hagaagsan u haleelo wixii loogu talo galay inuu barto.

Culimada kasmo nafeedku waxa ay hoosta ka xariiqeen in sida diyaarinta iyo garashada macluumaadku waajib ugu yihiin macalinka ay garashada nafsadda ardayguna waajib ugu tahay, marka ardayga nafsad ahaan loo fahmo ayaa ay imanaysaa in macluumaadkii iyo habdhaqannadii ku haboonaa la siiyo.

Sayid cali RC ayaa waxa laga sheegaa inuu yidhi (dadku wax ay garan karaan usheega, ma waxa aad rabtaan in Eebe iyo rasuulkiisa la beeniyo?), haddii aanu ardaygu u bislayn barasho, lama heli karo natiijaddii laga sugayey waxbarashada.

Haddaba soo koobidda mabda’ani waxa weeye in ardayga waxa la barayo uu u diyaarsanyahay haleeliddiisa iyo hanashadiisa awoodna uleeyahay.

2- Dhiirrigelin/riixe

Mentor help -Caawinta waxbarashada.jpg

Marka la helo diyaar ahaanshaha ardayga iyo in uu u suubado qaddarka macluumaadka, xirfahada iyo habdhaqanada loogu tala galay inuu barto, waxa Iyana lagama maarmaan ah in la helo wax dhiirri gelinaya ardayda kuna riixaya inuu u xaqiijiyo barashada habkii loogu tala galay.

Dhiirrintu (motivation-دافعية) waxa ay ka imaan kartaa gudaha ardayga sida jacaylka barashada uu u hayo, la tartanka aynigiis iyo u faduul badnaanta ogaalka, waxa kale oo ay dhiirigelintu noqon kartaa riixe debedda kaga yimaadda sida dhiirigelinta waalidkiis, abaalmarinta macalinkiisa, ammaanta cid kale ammaanto iyo in lagu maamuuso boos sharafeed sida xiddignimo iwm.

Waxa hubanti ah mar kasta oo qofku uu helo dhiirrigelin in ay kordhayso xaddiga barashada uu samaynayaa.

3- Dadaal bixin

Marka uu ardaygu helo diyaar ahaansho inuu waxbarto sidoo kalena uu dhiirrigelin iyo wax ku riixaya barashada uu dareemo waxa isna mabda’ lagama maarmaan ah noqonaya dadaal bixin iyo  inuu la falgalo wixii uu baranayey.

Waa inuu isku dayo fahamka macluumaadka, kaashado khibraddiisii hore, fikiro, falkiyo oo isku xidho sababaha iyo waxa ay dhaleen, soo dhirindhiriyo natiijooyinka, waxa uu bartana ku xidho aqoontiisii hore, kana faaiidaysto ciddii wax dheer oo uu u noqdo ilaha aqoonta sida buugaagta iyo aaladaha aqoonta lagu kaydiyo.

4. Ku celcelin iyo tababarasho

entrepreneur, start-up, man-593358.jpg

Ardaygu marka uu barasho cusub sameeyo waxa lagama maarmaan ah in uu xasiliyo oo ka dhigo ogaalkaas qayb ka mid ah shakhsiyaddiisa, taasina waxa ay ku suuroobeysaa in uu la yimaaddo mabda’a ku celcelinta kaas oo macluumaadkii ogaal ee cusbaa ka dhigaya kuwo ku milma ogaalkii ardayga ee hore.

Waxa laga rabaa ardayga inuu ku tababarto qaababka ogaalka loo kaydiyo illawgana looga takhaluso, taas oo ka digan inuu tababaro xubnihiisa ah aaladaha soo daba ogaalka sida carrabka, maqalka, aragga iyo garaadka, sidoo kalena barto adkaynta aaladahaas si ay u kasbadaan ogaal hadba ka badan kii hore.

Mar kasta oo cashar-ka ardaygu bartay uu ku celceliyo waa mar kasta oo uu xasuustiisu korodho barashadaasna laga gaadho ujeedkii laga lahaa. “ما تكرّر استقرّ”.

5. Qiimaynta waxbarashada

man, teacher, training-6107457.jpg

Marka ardaygu uu haleelo barashadii, oo ay u dhamaystiranto shuruudii barashada iyo mabaadi’deedii waxa la rabaa in lagu sameeyo qiimayn ama dib u eegid qaabka barashada ardaygu u dhacday, taas oo faaiidadeedu tahay in laga saxo wixii uu khalad fahmo, loona adkeeyo wixii uu si toobboon u gartay.

Qiimayntaasi ardayga waxa ay u samaynaysaa dhiirri gelin isaga oo dareemaya inuu ka dhaqaaqay meeshii uu hore u joogey, sameeyeyna ogaal cusub, waxa ay sidoo kale ku carbinaysaa inuu korodhsado dadaalka uu ugu jiro barashada aqoonta. 

intaas waxa aynu kusoo gebgebaynaynaa qodobada ugu muhimsan mabaadi’da barashada ujeedka lihi ay u baahantahay, ardayguna uusan ka maarmaynin si uu ugu adkaysto waddada waxbarashada ee dheer.

Sideedabana waxa kala sarraysiiya laba qof ama ka badan oo isku meel horay uga joogey aqoonta waxa ka mid ah marba sida ay u ilaashadaan mabaadi’da asaasiga ah iyo shuruudda barashada, ruuxuna haddii aanu horay uga socon heerkii aqoonta uu ka joogey dib buu uga dhacayaa, sababtoo ah ogaalku waa duugoobaa haddii aan la cusboonaysiin.

Leave a Reply

error: Lama ogola !!