Waxbarashadu waa furaha guusha iyo horumarka aadanaha, waa misbaaxa maanka, baanta nafta, istareexa araga, sooryada maqalka, iyo dhaxalka faca koraya iyo kuwa xiga.
Mar la baad waxbarashadu waa habka khibradaha & aqoonta loogu gudbiyo faca koraya; si uu kaalin-gal u noqdo, dedaallada bareyaashu si aysan u noqon kuwo lagu tacab khasaaro waxa si joogto ah loo sameeyaa qiimayn. ujeedka qiimayntu waa in la ogaado heerka ay joogto guusha uu baruhu ka gaaray gudbinta aqoonta, iyo heerka ay joogto guusha uu ardaygu ka gaaray weelaynteeda.
Muhiimadda uu imtixaanku way labo jibaarantahay marka uu yahay mid shahaadi ah, imtixaannada shahaadiga ah waa kuwa loogu kala gudbo labo marxaladood oo waxbarasho.
Haddii Imtixaanka sannad dugsiyeedku jaan gooyo guusha ardayga ee hal sannad dugsiyeed, imtixaanka shahaadiga ahi waxa uu jaan gooyaa guusha ugu yaraan afar sano oo waxbarasho.
dhanka kale haddii tartanka imtixaanka sannad dugsiyeedku u dhexeeyay arday wax ka barta hal dugsi/iskool, tartanka imtixaanka shahaadigu wuxuu u dhexeeyaa kumanaan arday oo wax ka barta dugsiyo kala jaad ah oo ku yaal degmooyin, iyo gobollo kala duwan.
sanad dugsiyeedka 2023-2024 ayaa soo gaba gaboobay waxaana loo fariistay imtixaannadii sannad dugsiyeedka iyo kuwii shahaadiga ahaa intii u dhaxaysay dabayaaqada bisha 5aad iyo bisha 6aad.
Shabakadda Som-Exams oo kaydisa imtixaannada dalka Warbixintaan waxay diiradda ku saari doontaa imtixaannadii shahaadiga ahaa ee dalka laga qabtay sannad waxbarasheedka 2023/2024.
Halkan waxaan idiin ku soo gudbin doonnaa imtixaannadii laga qaaday ardayda todoba maamul goboleed iyo Caasimadda [banaadir] tirada u fariisatay imtixaannada iyo xogo kale oo muhim ah, kuwaas oo aan ka soo xigannay warbixinaha ay baahiyeen wasaaradaha waxbarashada iyo komishinada imtixaanka ee ka jira dalka.
Banaadir
Guud ahaan dalka imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 4aad Dugsiga sare ee Gobolka banaadir waxa u fariistay 23,445 waxa lagu qaaday 67 xarumood. [1]
Halka ardayda u fariistay imtixaanka shahaadiga ah ee fsalka 8aad dugsiga dhexe ay gaareen 35,307 arday, 15,541 ka mid ah waxay ahaayeen gabdho halka wiilashu ay ahaayeen 19,766 sida uu munaasibadda furitaanka ka sheegay Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh). [2]
Puntland
Sida ay faafisay wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad waxa u fariistay ardey gaareysa 14,239 oo ardey, 7,824 waxa ay ahaayeen wiilal, halka 6415 ay ahaayeen gabdho.
Imtixaanka shahaadiga ah ee Fasalka 4aad dugsiga waxa u fariistay 7,562 oo ardey, 3,231 waxay ahaayeen gabdho hakla wiilashu ay ahaayeen 4,331.
Tirada guud ee ardayda u fariisatay imtixaanka shahaadiga ah ee dawlad goboleedka Puntland fasalada 8aad iyo 12aad waa 21,801 arday. [3]
Somaliland
Somaliland Sannad dugsiyeedka 2023/2024 imtixaanada shahaadiga ah ee fasalka 8aad dugsiga dhexe, iyo fasalka 4aad ee dugsiga sare waxa u fadhiistay arday dhan 38,489 oo arday, sida lagu daabacay bogga wasaaradda waxbarashada iyo sayniska somaliland.
15,542 waxay ka aflaxayaan waxbarashada dugsiga sare, halka 22,947 ay ka qalin beddelanayaan dugsiga dhexe.[4]
Galmudug
Imtixaanka shaadiga ah ee sannad dugsiyeedka 2022/2023 fasalka 8aad oo ay qaadday wasaaradda waxbarashadadawlad goboleedka galmudug waxa u fariistay 6,715 arday waxaana lagu qaaday 34 xarumood oo ku kalayaal 17 degmo, sida lagu xusay bogga Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare Ee Galmudug.[5]
Imtixaannada fasalka 4aad ee dugsiga sare waxa u fariistay 2,533 oo arday, imtixaanka waxa lagu qaaday 13 xarumood oo ku kala yaal 8 degmo oo ka tirsan maamul goboleedka Galmudug. [6]
Tirada guud ee ardayda u fariisatay imtixaanka fasalka 8aad ee dugsiga dhexe iyo fasalka 4aad ee dugsiga sare waa 9,248 arday.
Jubbaland
Imtixaanka dugsiga saree e maamul goboleedka Jubbaland waxa u fariistay 2,500 arday oo isugu jira gabdho iyo wiilal. [7]
Imtixaanka dugsiga dhexe waxaa ka qayb galay arday tiradoodu gaarayso 4,357 oo arday, sida uu sheegay qoraal lagu faafiyay bogga Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare ee Jubbaland. [8]
Tirada guud ee ardayda u fariisatay labada ee heer ee imtixaanka waa 6,857 arday maamul goboleedka Jubbaland.
Hirshabeelle:
Sanad dugsiyeedka 2023/2024 maamul goboleedka hirshabeelle imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12aad waxa u fariistay 2,781 oo arday. [9]
Halka imtixaannada fasalka 8aad ay u fariisteen arday gaaraysa 5,228 arday, waa sannadkii 5aad oo xariir ah oo wasaaradda waxbarashada ee Hirshabeelle ay qaadayso imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga dhexe sida uu sheegay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare Dowladda Hirshabelle Mudane Saciid Hagar Camalow. [10]
Wadarta guud ee ardayda u fariistay imtixaannada fasalka 8aad ee dugsiga dhexe iyo fasalka 4aad ee dugsiga sare waa 8,009 arday.
Koonfur galbeed
Dawlad goboleedka koonfur galbeed Imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga sare sannad dugsiyeedka 2023/2024 waxa u fariistay arday dhan 5,158 oo arday, [11] halka imtixaanka dugsiga dhexe ay u fariisteen 11,784 arday. [12]
Imtixaanka Tirada guud ee ardayda u fariistay imtixaannada shahaadiga ah waa 16,942 arday, imtixaanka waxa lagu qaaday 22 xarumood oo ka tirsan maamul goboleedka koonfur galbeed.
SSC khaatumo
Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee SSC Khaatumo C/xakiin Jaamac Dalmar ayaa sheegay in imtixaanka fasalka 4aad ee dugsiga sare ay u fariisteen arday dhan 1,254, halka imtixaanka fasalka 8aad ay u fariisan doonaan 2,404 ardey oo isugu jira wiilal iyo gabdho [13]
Tirada guud ee ardayda u fariisatay imtixaanka shahaadiga ah ee dawlad goboleedka SSC Khaatumo (8-aad iyo 12-aad) waa 3,658 arday.
Gaboabo:
Tirada guud ee ardayda u fariistay imtixaannada fasalka 8aad ee dugsiga dhexe guud ahaan soomaaliya waa 102,981 arday, halka tirada guud ee ardayda u fariistay imtixaannada fasalka 4aad ee dugsiga sare ay gaarayaan 61,037 arday.
Wadarta ardayda u fariistay labada heer ee imtixaannada shahaadiga ah ayaa isku noqonaysa 164,018. Arrintan ayaa ka dhigan inay korortay tirada ardayda u fariisatay imtixaanada shahaadiga ah oo sanadkii hore ahayd 152,617. Boqolleyda kororka sanadlaha ah waa 7.5%.
Maamulka Kayd xogeedka imtixaanka ee Som-Exams wuxuu u rajaynayaa dhammaan ardayda soomaaliyeed mustqabal ifaya, wuxuuna ugu ducaynayaa in ay noqdaan kuwo dalkooda anfaca, sidoo kale waxaan rajaynaynaa in sannadka danbe tirada ardayda soomaaliyeed ee u fariisan doona imtixaannada shahaadiga ah ay gaari doonaan 180,000 oo arday.
Tixraac
1- Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare
2- Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir
3- Bogga wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta sare ee Puntland
4- Somaliland Ministry of Education and Science
5- Bogga Wasaaradda Waxbarashada Galmudug
6- Bogga Wasaaradda Waxbarashada Galmudug
7- Jubbaland TV
9- Bogga wasaaradda waxbarashada Hirshabeelle
10- Bogga wasaaradda waxbarashada Hirshabeelle
11- Bogga wasaaradda waxbarashada Koonfur Galbeed
12- Bogga wasaaradda waxbarashada Koonfur Galbeed
13- Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare SSC-Khaatumo
Sida loo eegay imtixaanka khaatumona
Iam student boy
Maxamed
gm2461674