Sannad dugsiyeed cusub

Sannad dugsiyeed cusub, samee arrimahan si uu kuugu noqdo sannadkii guusha 🙂

Sannad dugsiyeed cusub Waaw! waxaan ku laabanaynaa dugsiga, runtii waxaan u xiisay fasalkayga, macalimiinta, iyo asxaabtayda.

Wax yar joogso! Ma ihi qof aan la socon waaqaca ardayda soomaalida, Waan ogahay in qaybo badan oo ka mid ah aysan jeclayn maalmaha waxbarashada, iyo fadhiga dheer ee fasallada.

Qormadan waxaan kugula wadaagi doonaa arrimo run u beddeli kara riyadeenna ah in aan helno waxbarasho xiiso iyo farxad wadata.

Waxaan rumeyn karnaa riyadaas haddii aynu iska siibno muraayadaha madowga badan ee aynu ku eegno waxbarashada, niyeyso in aad dib u qaadanayso qalin aad si qurxoon ugu sawiran karto mustaqbal ifaya.

Side ayaan ugu diyaar garoobaa sanad waxbarasheedka cusub?

Ku dhowaad saddex bilood oo fasax ah ka dib waxa jira tillaabooyin door ah oo aan qaadi karno si aan uga dhigno sannadkaan mid ka fiican kii ka horeeyay.

Dib u sax jadwalka nolosha:

waqtiga fasaxa dhalintu waxay fursad wayn u heshaa noocyada kala duwan ee madadaalada, la socodka asxaabta, safarrada, dheesha iyo daawashada kubadda, isticmaalka baraha bulshada iwm.

Inkasta oo madadaaladu ay muhim tahay haddana adduunka ciyaar iyo dheel uma joogno, wanaagga ugu weyn ee aad naftaada u samayn kartaa waa in aad saxdo jadwal nololeedkaaga.

Seexo goor hore si aad salaadda subax ugu toosto, ogoow hurdada fiicani waxay muhiim u tahay caafimaadka maskaxda.

Haddii aad soo jeedka ku gaari jirtay 01:00 AM, way adagtahay in aad waqtigaaga hurdada hal mar u rarto 09:00 PM, si aadan culays u dareemin habeen walba 1 saac hore u soo qaad xilliga hurdada, tartiib u sax jadwalka.

Iibso agabka waxbarashada:

Kaliya diiradda ha saarin direeska cusub, Iibso dhammaan agabyada waxbarasho, kuwa gaarka u ah fasalkaaga, iyo kuwa guud ee ka dhexeeya ardayda labadaba.

fasalkaaga waxa gaar u noqon kara buugaagta manhajka, waxa jira qalab waxbarasho oo ka dhexeeya dhammaan ardayda sida boorsada, buugta qoraalka, qalimada, midabada, goomaha/iskiisadda, iwm.

Qalabka waxbarasho ee wanaagsani wuxuu si wayn kaaga caawin karaa geeddiga waxbarashada, iska ilaali israafka oo ah in aad gadato wax aad ka maarmi karto.

Naxariis muuji oo waalidkaa culays ha ku saarin in uu kuu iibiyo wax uusan awoodin.

Yaree wakhtiga baraha bulshada

In kasta oo ay aad u soo jiidanayso jiilka maanta haddana in aad waqti badan ku qaadato baraha bulshadu kuuma habboona, si gaar ah xilliga aad isu diyaarinayso sannad-dugsiyeedka cusub.

Raac istiraatiijiyad la mid ah middii saacadda hurdada oo si tartiib-tartiib ah u yaree waqtiga kaaga luma baraha bulshada.

Waxa jirta maahmaah caan ah oo ina baraysa in ka hortaguu ka wanaagsanyahay iska daaweynta, innaga oo ka duulayna odhaahdan waa in aan yaraynaa isticmaalka moobeelka gacanta.

Hurdo xumada, cudurrada indhaha, xanuunada nafsiga ah, iyo dhibaatooyinkiisa kaleba waxa looga hor tagi karaa yaraynta waqtiga aan la qaadanno shaashadaha.

Sannad dugsiyeed cusub

Abuuro jawi waxbarasho oo wanaagsan

Maalmaha ka horreeya bilowga sanad waxbarasheedka, shqo weyn ka qabo qolkaaga Kala sooc oo iska tuur hadhaaga sannadihii hore, Ku deeq buugaagtii aad soo dhaaftay, Nadiifi miiskaaga.

Ka diyaarso guriga meel lagu magacaabo rukunka waxbarashada, waa in uu noqdaa gees xasiloon oo leh iftiin wanaagsan, shaqo kale ha ku qaban.

Maskaxdaada bar in meeshan ay tahay goobtii wax-aqriska iyo tacliinta, ha la imaan mobile ama wax ku mashquuliya.

Hore u gaar dugsiga:

Waxaan rajaynayaa in aad ku baastay imtixaankii ugu danbeeyay, haddii ay sidaas tahay hanbalyo waxaad u gudubtay fasal cusub.

Noqo ardayga ugu horreeya ee gala fasalka cusub, dooro mid ka mid ah miisaska ku beegan macalinka, waa meesha ay fariistaan ardayda dadaalka lagu yaqaanno.

Markan dooro in aad kursiga la wadaagto ardayda Aqoonta ku tilmaaman, haddii aadan hore u tegin dugsiga ma heli doontid fursad aad ku doorato Qofka aad la qaybsan doonto miiska.

Smart goal

Samayso ahdaaf waxbarasho:

Ku raaxayso inaad naftaada u dejiso yoolal waxbarasho, oo aad kaligaa ogatahay, kaliya Hadafyadaada waxbarasho waa inay ahaadaan kuwo waaqici ah oo la gaari karo.

Dhiirri gelinta ugu wayn ee ardaygu maaha abaal marinta waalidka, ama dugsiga uu ka helo markuu gaaro meel sare, sidoo kale maaha ammaanta macalimiinta, saaxiibada, iyo deriska.

Dhiiri-gelinta ugu wayn ee ardaygu waa fahamka uu ka haysto in uu horumarinayo naftiisa, uuna dhisayo mustaqbalkiisa; si uu u anfaco diintiisa dalkiisa, iyo dadkiisa.

Karim bu kuwik

Tusaale waxaan ka dhigan karnaa wiilkan yar ee sawirka la galay buugtiisa, waxa uu ku noolyahay magaalada Ghaza, duruufta nololeed ee magaaladiisu kamay hor istaagin in uu kaalinta koowaad u galo ardayda falastiin, wuxuuna ku baasay 99.1%.

Gunaanad

Bilawga sanad dugsiyeedka cusub marnaba uma adkaan doono sida aad moodayso, haddii aad tahay arday dib ugu noqonaya dugsiga fasax dheer ka dib, samee arrimaha kor ku xusan si aad waxbarashadaada uga dhito mid wadata xiiso iyo farxad aan dhammaan.

Tix-raac

1 thought on “Sannad dugsiyeed cusub, samee arrimahan si uu kuugu noqdo sannadkii guusha 🙂”

Leave a Reply

error: Lama ogola !!