Hordhac
Waxaan jeclaystay in aan halkan ku xuso afar arimood oo uu sheegay Shiikh Dr. Cabdikariim Bakaar kuwaas oo uu ugu magac daray (علل النخبة) Xanuunada ku dhaca Aqoonyahanka ama haldoorka waxaana uu yidhi:
“Ka dib markii aan ka qayb galay shirar iyo shaqooyin badan, oo aan si gaar ah ugu kuur galay, waxaan odhan karaa haldoorka maanta jooga wax gaadhaya 70% waxaa ku dhacay afar cudur” afartan cudur ee soo socda ayuu Dr-ku sheegay:
1. Wax walba jeclaysi (الأنانية)
Qof kastaa waxa uu rabaa in uu isaga guulaysto, ee uusan guulaysan mashruuca iyo arinta la hayo, qof walbaa wuxuu rabaa in uu noqdo qofka koowaad iyo ka farta lagu tilmaamayo, isma waydiinayaan sidee shaqada wadareed ku guulaysataa?
Inta ka fikiraysa sidee shaqada wadaradeed ku guulaysataa aad ayey u yaryihin, sidee mashruucu ku guulaysanayaa marka ay yaryihiin kuwa odhanaya hadii shaqada wadarta ahi guulaysto waan guulaystay, hadii ay hoos u dhacdana waan khasaarnay.
2. Howl kar yari
Aduunka maanta la joogo haldoorku in uu yahay mid firfircooni ku suntan waa dariiqa horumarka iyo furaha guusha, mufakiriinta waa wayn waa kuwo ku sifaysan howl karnimo iyo isku dayga hal abuurka, isku day la’aantu waxa ay qayb badan oo ka mid ah haldoorkeena ka dhigtay kuwo la mid ah dadka caadiga ah.
3. Qorshe xumo
in badan oo ka mid ah haldoorka shaqadooda waxaa hadheeyey qorsho xumo, waxa ay rabaan in ay shir qabtaan si wacanna uma diyaarinayaan waqtigiisa, ajandiihiisa iyo goobta lagu qabanayo, arintaasna waxa ay yaraysaa wax soo saarkoodii maskaxeed iyo aqooneed iyaga oo haysta wax badan oo awoodo ah kuwaas oo wax badan u suurto gelin kara.
4. Wada xidhiidh la’aan
Arrimaha ugu badan ee keena in uu haldoorku guul gaadho waa in ay isku xidhanyihiin isna caawiyaan, hadii arintaas la wayona qof walbaa gaarkiisa ayuu cidlo ugu daalayaa sababta oo ah far keliya fool ma dhaqdo, waxaan haldoorka kula talinayaa: wada xidhdidh, wada xidhdidh, wada xidhdidh.
Gunaanad
Intaas ayuu Dr. Cabdikariim Bakaar ku soo gabagabeeyey xanuunada ku dhaca haldoorka, in kasta oo aynu xusnay dhammaan qodobada haddana qormadadni ma aha turjumaad toos ah, ee waxna waan ku daray waxna waa ka jaray.
Xanuunadani waa kuwo haysta inta ugu badan aqoonyahanka soomaaliyeed, waxaana la odhan karaa waa xanuunada inaga reebay ummadihii kale, gaar ahaan labada qodob ee kala ah qorshe xumada iyo iskaashi la’aanta, waa labada cudur ee haldoorkeenii ka dhigay kuwo aan waxba ku soo kordhin bulshadooda.